Madaxweynaha Somaliland  Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Hore Ciidamadda Madaxtooyada Mid Cusubna U Magacaabay

0
304

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamadda Madaxtooyada, isagoo u magacaabay Taliye Cusub, sidaana waxaa lagu sheegay war-saxafadeed uu ku seexanyahay Afhayeenka Madaxtooyada oo u dhignaa sidan.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3758/012016 uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Ku xigeenkiisa. Halka Taliyihii hore iyo Taliye ku xigeenkiisiina la bedelay.

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In G/Dhexe, Axmed Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

In Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

 UJEEDDO:    BEDDEL

 Ku:      G/sare, Axmed Cali Maygaag                                                                  

            Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

 Og:     Taliyaha Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland                

 Ku:      Dhamme, Cabdi Cismaan Ducaale                                                          

            Taliye Ku-xigeenkii Hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

 Og:     Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland                  

 Mudaneyaal,

 Waxaan idinku mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka  beddelo xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen G/dhexe, Axmed Daahir Cali oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland inay mas’uuliyiintaa u magacaaban xilal ku habboon darajadooda.

 ALLAA MAHAD LEH

 Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

 Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

 Xogsoormedia.com

 Xogsoor@gmail.com

 Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here