Xildhibaan Faahfaahin Ka Bixiyay Caqabadaha Hortaagan Gobolka Gabiley

0
420

Hargeysa(Xogsoormedia.com)  -Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo Ibraahim Kacaan loo yaqaano, ayaa sharaxaad ka bixiyey caqabadaha hortaagan sharciyadda Gobolnimada Gobolka Gabiley.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo kamida mudanaayaasha golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland lagana soo doorto Gobolka Gabiley Kana tirsan xisbi xaakimka kulmiye, ayaa mar uu waraysi siiyey Warbaahinta maanta, sheegay in Gobolka Gabiley buuxiyey shuruudihii Gobolnimo, balse haddana arrimo siyaasaddeed hortaaganyihiin.

Waxaanu yidhi “Gobolnimada Gabiley waxaa ku dhawaaqay Madaxwayne Daahir Riyaale xiligii lagu jiray ololaha Doorashada madaxtinimo,waxaana lala magacaabay gobolo kale taasi oo run ahaan kamid ah caqabadaha ugu wayn ee hortaagan in la ansixiyo, waayo gobolada qaar ayaan isbixinayn Dhaqale ahaan waxayna taasi u baahan tahay in si cilmiyaysan loo galo kala saarida iyo qiimaynta.

Hadii aan si qotodheer u sharaxo sida ugu fudud ee gobolimada gabiley loo ansixin karo oo iyadu buuxiysay shuruudaha looga baahan yahay gobolnimada oo ah sedex qodob oo muhiima.

A, Dhaqaalaha

B, Cabirka iyo bedka gobolka

c,bulsho ahaan

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi, “Intaasi qodob ayaa sal u ah in gobol loo gudbo intiina gabiley way buuxisay. marka la eego caqabado badan oo jira waxaanu si waydiinay sidee ayay gabiley gobolnimadeedu ku hirgali kartaa iyadoon goboladii lala magacaabay iyo caqabadahooda aanay ku lumin xaqii reer gabiley Ulahaayeen gobolnimo. taasi way Noo muuqataa waxaana jira xeerka Caasimada oo faa,iido way ugu jirto bulshada maroodijeex iyo gobolka gabileyba.

markale isagoo sharaxaya doorka ay ku leeyihiin xildhibanada Reer Gabiley wuxu yidhi, “Anagoo ah xildhibaanada gobolka gabiley kasoo jeeda marwalba waanu kusoo darnaa Ajandaha golaha xeerka caasimada, markastana waxaa ka reeba gudoomiyaha golaha wakiilada oo ah gudoomiyaha xisbiga wadani cabdiraxmaan cirro. oo si badheedha ugu riixaa qodobka ugu danbeeya ajandaha sidaasi ayuuna wakhtiga iyo kalfadhiyadu uga dhamaadaan , marwalba!. markaa horta waxaan leeyahay cida hortaagan gobolnimada gabiley waa gudoomiyaha wadani oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada xataa xaqii ay lahaayeen bulshada gobolka maroodijeex ayuu lumiyay.

Takale ;- “waxaan maalmahan arkayay xubno kamida xisbiga wadani oo leh marka aanu ku guulaysano talada dalka ayaanu gobolnimo indin siinaynaa gabiley ahaan.

ABTIGAY. Maxamed Cabdilaahi Uurcadoow Waxaan ku leeyahay Maroodi Jeex Aday ku sugaysaa Xaqeediina Waxaa Hortaagan Gudoomiyahaaga”ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Xildhibaan Ibraahim.

Gobolka Gabiley wuxuu kamid ahaa goboladii uu Daahir Rayaale derejada Gobol siiyey 2009-kii markii uu doorashada Madaxtinimada isu diyaarinayey.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here