Hargeysa(Xogsoormedia.com) Hooyo Xalwo Warmahaye Khayre waa hooyo ka mida hooyooyinka tabaalaysan ee degan xaafada Sheekh Cumar , oo 8-Km u jirta magaalada Hargeysa.
Hooyadani waxaa ay haysa inan ay dhashay oo 40 jira sida ay noo sheegtay,mudo 25 sano ahna dhulka u jiifa xanuun ay cilinkiisa saariweyday,oo dhulyaal ahaa muddo dheer, waxaanu degan tahay xaafada Sheekh Cumar Yuusuf ee duleedka magaalada Hargeysa halkaas oo ay badi degan yihiin dad danyar ah oo aan haysan wax caawimo ah, isla markaana cidhiidhi nololeed ku jiraa.
Waxa Hooyadan u dhulyaal ah oo ay xaalad qalafsan ku daryeesha inankeeda, ay dhashay oo 40 jira ,isaga oo inankani tan iyo maalintii wadanka la soo galay uu dhulka Jiifay oo aanu ka kicin, isla markaana uu asiibay xanuun dhinaca lafaha iyo jidhka ah
Hooyo Xalwo, waxa kale oo ay xustay in dalka gudihiisa waxba lagaga qaban kariwaayay xaanuunka inankeeda , waxaanay codsatay inay u soo duceeyaan dadku, cidii caawin karaysaana ay soo caawiso.
waxaa ay hooyadani hoosta ka xariiqday in cawdan ay uu inkeedu ku jiifo aanay jirin wax uga hoosayaa,guriga ay ku jiraana aanu laheyn,Siliig iyo Sibidhtoona,ay tahayna jiingad ka aradan gabi ahaanba baahiyaha aasaasiga,ah.
waxaa ay Hooyadani xustay in meeshan ay dagan yihiin taangiga biyaha ah laga siiyo lacagdhan lixdan-kun oo shilinka Somaliland ah.
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland