Muqdisho(Xogsoormedia.com) Xughayaha hore Ururka Suxufiyiinta Soomaaliya Ee NUSOJ Mudane Cumar Faaruuq ayaa ka badbaaday weerar lagu soo qaaday
Waxaanu xughayuhu sheegay in mid ka mid ah illaaladiisu , uu ku dhaawacmay weerarkan, gaadmada ah ee lagu soo qaaday, kooxda weerarka ku soo qaaday ayaa watay gaari isla markaana ku xabadeeyeen meel u dhaw xarunta Idaacada Shabeele ee ku taal magaalada Muqdisho.
Cumar Faaruuq isaga oo si faahfaahsan uga hadlaya sidii weerarkan lagu soo qaaday uu ud dhacay ayaa waxaa uu yidhi “Ma aqaan cida isoo weerartay, waxaan ka shaqeenaynaa arrimaha Saxaafada, waxaana jirta dilala loo geysto Suxufiyiinta…”
Illaa iyo hada cidna looma soo qaban kooxda weerarkan geystay oo la sheegay inay gaarayeen sadex nin oo watay gaari aan lanbar lahayn.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland