Cusbitaalka Edna Oo Loo Aqoonsaday Ka Ugu Wanaagsan Qaaradda Afrika

0
479

Hargeysa (Xogsoormedia.com)- Cusbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Adna ayaa kaalmaha ugu horeeya ka galay cusbitaalada ugu tayada wanaagsan qaarada Afrika, sida lagu shaaciyey qiimayn machad caalami ah sameeyey.

Machadka Webometrics, oo qiimayn ku sameeyey kontonka cusbitaal ee ugu wanaagsan bixinta adeegyada caafimaadka qaarada Afrika kaalinta koowaad ka galay cusbitaal ku yaal dalka Swaziland ee Gambro Healthcare.

Qiimayntan ayaa sidoo kale lagu sheegay in cusbitaalada ku yaal wadamadda Masar iyo Koonfur Afrika kaalmaha 11 iyo 12 ka galeen qiimaynta.

Warbixinta Webometric, oo qiimayn caalami ah ku sameeya cusbitaalada, jaamacadaha iyo xarumaha adeegyada bulshada ayaa warbixintiisa ku sheegay in cusbitaalka dhalmada ee Adna ee Somaliland kaalinta 13 ka galay liiska kala horeynta cusbitaalada ugu wanaagsan qaarada Afrika.

Machadka Webometrics oo sannad walba qiimayn ka sameeya caalamka, ayaa warbixinada ay soo saaraan noqdeen marjac loo noqdo.

 

Kaalinta cusbitaalka dhalmada ee Adna ka galay qaarada Afrika ayaa noqonaysa guulweyn u soo hoyatay hawlwadeenada cusbitaalkan iyo guud ahaan shacabka iyo qaranka jamhuuriyada Somaliland, loona baahan yahay in laga ilaashado dib u dhac kastoo ku iman kara.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Xigasho: Himilomedia.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here