Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada Ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,ayaa sheegay in Qaranimada Somaliland meel halis ah marayso oo uu xiligan aad ugu war warayo isla markaana uu aaminsan yahay in shirqool qaran iyo gacan dibadeed ay jirto oo lagu mijo xaabinayo Somaliland.
Waxaa kale oo uu ka hadlay Xildhibaan Qabile khilaafka Xisbiga UCID oo uu sheegay in sharciyadda iyo garsoorka Maxkamadda in lagu xalinayo oo lagu dhamayn doono.waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Siiyay shabakada Wararka ee Xogsoormedia.com
“Horta marxalada dalku maanta marayo waxaan u arkaa in ay tahay tii ugu khatarsanayd sida aan maanta ugu war warayo qaranimadana wali ugumaan baqin,siyaasadda arrimaha dibada ee dalkuna waxay maraysaa halkii ugu liidatay oo waxaa meesha ka baxay isku xidhnaantii iyo wada jirkii Somaliland.”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.
Waxaa kale oo uu ka hadlay Xildhibaan Qabile wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in uu halis ku yahay qaranimada Somaliland iyo Khilaafka UCID oo uu sheegay in la soo afjari doono isla markaana lagu dhamaynayo Maxkamadda.Xildhibaanka ayaa khilaafka UCID iyo Burburkii Xisbi xaakimkii hore ee UDUB-ba waxaa uu ku eedeeyay in ay Xukuumaddu ku lug leedahay taasoo uu sheegay in Xisbi Xaakimka talada haya ee KULMIYE in uu goostay in ay burburiyaan asxaabta qaran ee Dalka.
“burburkii hore ee Xisbigii UDUB,is-qabsiguu koobaad ee Xisbiga UCID is qabsiga labaad ee UCID,Khilaafka KULMIYE ee imika taagan oo isba aan meel dhaw taagnayn oo bur burin kara Xisbigaa dhamaantood waxaan odhan karaa waxaa sababay oo gacan ku leh Xukuumadda maanta jirta oo aan odhan karo muranka xisbiyada qayb ayay ka tahay . Taana waxaan u arkaa in ay tahay shirqool lagu mijo xaabinayo qaranimada Somaliland, xisbiyada qaranka iyo qarannimadu meel ayay inaga wada joogaan waanay inoo siman yihiin markaa si qarannimadeena loo wiiqo waxaa la inaga soo galay in asxaabta xagooda la inaga soo maro oo iyaga la bur buriyo. Wxaan oganahay in Xukuumaddu wada hadalo aan wax natiijo ah aan laga gaadhin ay la bilawday Soomaaliya,Ingiriiska, Imaaraadka,Turkiga Illaa Jabuuti oo lagu wada hadlay wax Somaliland uga soo baxay oo faa,iido ahi ma jirto waxaanan u arkaa in Somaliland wadahadalada sida yar golayaashu u ogolaadeen ee ay Xukuumadda ugu fasaxeen in ay noqotay dhibaato iyo albaab Somaliland ku soo furmay maalintaas oo u baahan in imika laga awdo. Golaha wakiilada hadaanu nahay waxaa naga go,an in aanu dib u eegno wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya. Khilaafka Xisbiga UCID ee imikana waxaan doonaya in aanu ku dhamayno Sharciyadda iyo Maxkadda waxaanan isdaa u yeelaynaa waxaanu doonaynaa inaanu Xisbigu Burburin oo uu jiro ilayn waa hanta qaran oo 26.ka degmo doorashoba dadku leh ee jooga oo laga soo doortay isla markaana umaddu wada leedahay e.” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Waxaa kale oo uu xukuumadda ku dhaliilay in ay dayacday Siyaasadii arrimaha dibada isla markaana ay meesha ka bexeen xildhibaano Ingiriis ah oo qadiyada Somaliland oo ugu yaraan ahaa markii xukuumadda Siilaanyo xilka qabatay 42 mudane oo ingiriis ah imikana aan waxba ka joogin.
“Qadiyadda Somaliland markii Xukuumaddii UDUB talada haysay waxaynu lahayn siyaasiyiin iyo xildhibaano ingiriis ah oo qadiyadda Somaliland u ololeeya oo muddooyin badana kaga dhex dooday golaha baarlamaanka ingiriiska,laakiin markii ay Xukuumadda KULMIYE dhalatay taasi meesha way ka baxday oo imika cidiba kama joogto isla waxaana la fur furay guud ahaan qadiyaddii Somaliland iyo qarannimadii dalkan ee loo soo halgamay. Waxaana wiiqantay sidii qadiyada iyo qaranimadii Somaliland ee caalamka lagaga doonayay aqoonsi buuxa oo dalku ka helo caalamka,waxaa kale oo dadkii lagu asqeeyay in lagu maaweeliyo wax la yidhaahdo wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo aan wax faa,iido ah u lahayn Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba,waxaana naga go,an in aanu mar labaad dib u eegno haddii aanu nahay golaha sharci dejinta wadadaa furan ee wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo loo baahan yahay in wax la iska waydiiyo oo tallaabo laga qaado.”
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland