Warbixin Caalami Ah: 69 Wariye Oo Caalamka Lagu Kala Dilay Sanadkan Dhamaaday Ee 2015

0
396

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Ururka u dhaqdhaqaaqa difaaca Saxafiyiinta Caalamka ee CPJ ayaa soo saaray warbixin sanadeedkiisii, wuxuuna sheegay in sannadkan sii dhammaanaya ee 2015 dunida lagu dilay illaa 69 saxafi, halka xabsiga la dhigay illaa 199 weriye.

Ururka CPJ ayaa sheegay in dalka ugu badan ee saxafiyiinta lagu dilay sannadkan uu ahaa Syria, halkaas oo la diiwaangeliyey in la dilay illaa 13 weriye.

Waxaa Syria kusoo xiga dalalka Faransiiska, Brazil, Yemen, Koonfurta Sudan iyo Ciraaq, oo ka mid ah dalalka suxufiyiinta ugu badan lagu dilay.

Dalka Soomaaliya ayaa ururku sheegay in sannadkan uu galay kaalinta sagaalaad marka laga hadlayo wadamada lagu laayey saxafiyiinta, waxaana ururku sheegay in sannadkan Soomaaliya lagu dilay 3 weriye.

Hindiya Xaaji Maxamed oo u shaqeyneysay Radio Muqdisho ayaa ahayd weriyihii ugu dambeeyey ee sanadkan lagu dilay Somalia, waxaana la dilay 3-dii December.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Xigasho  VOA

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here