Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay wax ka bedel lagu sameeyay sanadka cusub soo galista dalka iyo ka bixitaanka labadaba taasoo lagu soo kordhiyay sharciyp lagu adkaynayo dal ku galka Somaliland.
Taliyaha waaxda Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cambaro oo laanta afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da la hadlay ayaa u sheegay.
“Sanadka dhammaadkiisa iyo xaaladdaha guud ee ka jira aduunka iyo dalalka jaarka awgood waxaanu adkaynay isu socodka soo galitaanka iyo bixitaanka iyo la dagaalanka tahriibka, sida madaarka Hargeysa oo aanu amarnay inaanay cid aan sharci sidani soo galin, cidda baxaysaana sharci ku baxdo. Waxaanu mamnuucnay dadka Somaliland u dhashay ee qaadanaya “Go Home” ma jirayso, waxa weeye in qofka Somaliland dalka kaga baxo basaboorka Somaliland ama wixii kale ee uu haysto laakiin lama ogola in dalka lagu soo galo sifo aan sharci ahayn, anagoo uga jeedna xagga ammaanka iyo dhaqaalaha,”Waaxda socdaalka Somaliland ayaa sidaasi u sheegtay BBC.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland