Hargeysa(Xogsoormedia.com) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta ee Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-Case) ayaa wasaaradda Warfaafinta waxa uu ka maqan yahaya muddo Sadex Todobaad kabadan oo aanu Xafiiska shaqadda ee Wasaaradda ka soo xaadirin.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta ee Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa lix iyo labaadankii Bishan, oo kubeegan Maalintii shalay waxa uu agaasimaha Guud u qoray Waraaq uu si rasmiya shaqadda ugaga Joojinaayo isla markaana uu wasiirku ku amraayo inaanu Xafiiska ka soo agwareegi Karin ilaa iyo inta uu waradanbe ka soo baxaayo.
Warar Xogogaala Oo Laga Helaayo Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland kana agdhow Agaasimaha Guud Iyo Wasiirka, oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan (ilka-case) uu ku kacay Musuq-maasuq Baahsan kaas oo sababay in khilaaf cakirani markale ka dhex curto isaga iyo Wasiir Cukuse.
Agaasimaha Guud ayaa lagu eedaynaya in Lacago kaladuwan uu kalabaxay Akoon ay leedahay Wasaaraddu isla markaana uu sheegay in lacagaahasi uu waxa ku qabanaayo, waxana lacagahaasi kamid ah Dalab wasaaradu ku Dirsatay Idaacadaha FM-ka ee Magaalooyinka BURCO Iyo Hargeysa isla markaana uu Agaasimuhu ku Buuxiyay Kuwo Iskaraaba oo dhex Yaalay Wasaaradda taas badelkeedana uu si toosa iyo Si dadbanba u lunsaday Kharashaad iyo Lacago loo qoondeeyay in ay Wasaaraddu wax ku dalbato.
Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa ah mid cidla ah oo ay dadka iyo shaqalaha Wasaaradu dulhoganayaan Maadama oo aanay jirin wax shaqo ah oo Xafiiskaasi qabanaayo.
Geesta kalena Dhisme Cusub oo ay leedahay Wasaaraddu ayaa u eeg mid qabyoobay, Dhimahan oo ah mid haldabaq ah ayaa logu tala galay in ay ku shaqeeyaan Xafiisyadda Lafdhabarta u ah Shaqadda Wasaaradda, Dhismahan oo labineeyay bilawgii sanadkan Gabagebadda ku dhaw ayaan ilaa hada fari ka qodnayan dhamaadkiisa, Shirkadda Dhismahan Fulinaysa ayaa shaqaalaha Wasaaradda Qaarkood u sheegtay in gurigani ka dhaqaaqi layahay Dhisme kale oo qandaraaskeeda halmar lawada siiyay, dhismaha kale ayaa ah Guri uu leeyahay Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukus) waxanu wasiirku shirkadda qandaraaska ku siiyay labada dhisme oo ah isku duldhis, waxanay shirkadu sheegtay in wasiirku xooga ku saaray sidii dhismaha Gurigiisa loo hordhamaynlaha Balse Dhismaha Cusub ee Wasaaradda ayaa ah mid aan dhamaan halka Guriga Wasiirka ee dhimahan lamidka ahna uu dhamaaday oo imika Deganayahay Wasiir Cukuse reer kiisu.
Warkan waxanu Kasoo Xiganay Shaqaalaha Wasaaradda Oo ka Gaabsaday Inay Magacooda Sheegan.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
Xigasho Mahiigaannews.com