Hargeisa (Xogsoormedia.com.) Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland deeq lacageed gudoonsiisay gudoomiyaha Maktabada Akhriska Qaranka oo dhismaheego ka socod Magalada Hargeisa wax ka soo qayb galay la-taliyaha Madaxweynaha Somaliland Arrimaha Saxaafadda Khadar ,Hassan Cali Gas Agaasimaha Guud Wasaaradda C/raxmaa Abdeeq Muxumed safiirka Somaliland u fadhiya Dalk UK, Cali Adan Cawaale xubno ka socoday gudiida maktabada qaranka.
Madasha gudoonsiinta waxa hadal koban ka jeediyey Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland, Ahmed Adan ismacil (Ahmed keys)oo ka waramay siday ku timid lacagta loogo deeqay maktabada cidi iska lahayd fikar “waxan jecelaha maanta oo tariikhadu tahay 24 December 2015 inaan halkan ku gudoonsino gudoomiyaha maktabada Akriska Qaranka Somaliland oo hargeisa laga dhisayo Ahmed Daahir Cilmi, deeq ay wasaaraddu Markii hore u balan qaaday oo ay ugu talo gashay inay gacan ka geysto dhismaha maktabada qaranka somaliland markii u horaysay yeelanayso deeqada runtii Wasiirkii hore Arrimaha Dibedd Somaliland Mohamed Bixi Yoonis ayaa balan qaaday sidii wasaaraduhu kale shirkii u horayey 25 Wasaaradood waxan filaya inan noqonaya wasaaradii labaad ee bixisay balan qaadkii”
Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland, Ahmed Adan ismacil (Ahmed keys) oo faahfaahinayaa cida u dhiibtay wuxuu tilmaamay inuu bixiyey Wasiirkii Hore mr Mohamed biixi Yoonis lacagta $5000 kun dollar maalintii kaash buu noogo dhibay laba bilood ka hor waxanu halkan ku cadayno inaau ku wareejinay umadda reer somaliland cidii kale ee na daawanaysa gudoonsinay maktabada akriska somaliland $5000 kun dollar “
Wasiir Ahmed keyse, oo ugu baaqay wasaaradaha kale ee dawlada iyo hay’adaha kale ee dawlada inay gacan ka geystan dhismaha maktabada akhrisa somaliland wuxuu isagoo hadalka sii wata “Waxan kaloo aan intaa ku dari lahaa Wasaaradihii kale 25 ahaa inay iska soo bixiyaan lacagii aya horay u balan qaaday aya fuliyaan oo gacanta ka geystaan dhismaha maktabada waxan filayaa wasaaradyadu waxay noqonaysaa tii labaad sidan ogsoontihin waxay noqonaysaa wasaaaradii ugu lacagta badnayad wasaaradaha dawlad inta waxa bixisaya runtii kolay wasiir Mohamed bixi yoonis wuxu joogga qurbaha wuxuu ka daawan doona warbaahinta kale duwan halkaa wuxuu ka arki doona aniga iyo agaasimaha guud aanu si rasmi ugu wareejin doono maanta gudoomiyihii maktabada qaranka somaliland “
Geesta kale waxa hadal kooban ka yidhi Agasimaha Guud Wasaaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland C/raxmaam Abdeeq Muxumed ,ugu baaqay bulsahda somaliland inay gacan ka geystaan dhismaha maktabda akhris qaranka somaliland, “in laga qayb qaato maktabada akhris Qaranka Somaliland lagu dhis doono Caasimada hargeisa kolay waxay noqon mayso deeqdii horaysay ee aya bixiyaan dadka reer Somaliland u dhashay kolay laakin noqon doonta tani deeqdani labaad ee ay bixiyaan wasaaraduhu dawlada “Agasimaha Guud Wasaaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland C/raxmaam Abdeeq Muxumed
Agasimaha Guud Wasaaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland C/raxmaam Abdeeq Muxumed wuxuu mahad baladhan u jeediyey cida gacanta ku haysa gudiida maamusha maktabada akhris qaranka “aad iyo aad ugu bogaadinayaa cidkasta oo fikarkan lahayad dadaal badan u gashay wakhti badan ku qaatay oo ka mid yahay Ahmed Daahir Cilmi cidkasto garab gashay ama dhiirgalisay jecel inay dhamaato wey la qabta mahadaa”
“ Waan ogaa kolay asaa’aska, halku ka bilaamay iyo maaanta halku marayo waa goob lagu farxo waxaan rajaynayaa oo aan aminsanahaya wixii loo kacaba in la dhamayn karo intuu doono la leekado kolay tariikhadu wey qori doonta cidii dadaal la gashay dadku markay arkaan waxoo dhamaad uu bay arkaan faa’ iidiisa marka hore ee uu bilow yahay dadal kuma badna dad weynaha sharafta leh daddka aqoon yahan aan u soo jeedinayaa qofkasta inta uu awood inuu ugu deeqo maktabda akhris qaranka cida wax baranaysa iyo cida ka faa’iidsanaysa waa ubaxii dalkeena inshalla haynu dadaalka halkaa ka sii wadno “
Gabagabadi waxa ka mahad naqay gudoonsiinta lacagta deeqada Wasaarada Arrimaha Dibeda Somaliland Gudoomiyaha Maktabada akhriska qaranka Ahmed Daahir Cilmi ,wuxu tilmaamay siduu maanta ugu farxad gaar ah ugu tahay inuu lacag ka gudoomo wasaaraddii labada ee xukuumada madaxweyne Ahmed Siilaayo
Wuxu ka codsay wasaaaradaha kale ee dawlad inay fuliya balan qaadkii hore inay gacan ka gaysan doonaan dhismaha maktabada akhriska qaranka ee dhismaheego hageisa ka socodo farriina u diray qurba joogga somaliland ee wadamada dibedda ganacstada shirkadda iyo cid kasto gacan ka geysan karta maktabada akhriska qaranka .
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland