Ciidanka Booliska Magaalada Abdaal Ayaa Jeelka U Taxaabay Laba Wariye

0
422

WAR DEG DEG AH

Berbera(Xogsoormedia.com)-Labadan wariye oo kala ah Wariye Axmed Siciid Maxamed oo ka hawlagala Tvga Kalsan Iyo Websiteka Mandheeranews.com iyo Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo katirsan Tvga Somalinews Iyo Websiteka Oodweynenews.com ayaa waxa goor dhaweyd lagu xidhay Saldhiga Ciidanka Booliska Magaalada Abdaal oo ay hawlo shaqo utageen Saka alinkii hore, Waxaana amarka Xadhiga labada wariye soo Amray sida la sheegay Hogaanka Saadka ee Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Baaruud(Xidig La Wareer)oo isagu horena haween iyo dhalinyaro uga xidh xidhay degmada mandheera magaaladeeda Abdaal dhawaan markii ay Mudaharaadadii ka dhashay Dilkii Taliyaha ciidanka Birmadku ku faafeen magaalada Abdaal,

Wariayaasha

Xadhiga labada Wariye ayaa waxa uu yimi kadib markii ay maanta galinkii hore utageen magaalada Abdaal inay war kasoo duubaan dad ka cabanaya xadhig uu Hogaanka Saadka ee Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Baaruud(Xidig La Wareer)uu hore ugu xidh xidhay haween Lamaan oo isa sita iyo caruur yaryar oo aan qaan gaadhin kuwaas oo Xabsiga Hargeysa ku xidhan ilaa mudo todobaad ah waxa ay uxidhan yihiin ay tahay dareenkii ay ka muujiyeen dilkii lagu khaarajiyay taliyihii Ciidanka Birmada Berbera Marxuum Aadan guuleed Dahir(Talaabo)oo askari ciidankiisa katirsan khaarajiyay.Wariye Axmed Siciid

waxa kaloo iyana Jirta Warar Xaqiiqo ah oo ay Labadan wariye ka baahiyeen dhacdooyinkii dhawaan dadka lagaga xidhxidhay Degmada Mandheera magaaladeeda Abdaal oo uu dhibsaday taliyaha Saadka Ee Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Baaruud(Xidig La Wareer)oo isaga hawlgalka dadkaas lagu xidh xidhay fulinaayay.

Sidoo kale wararka aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan xadhiga labada wariye ay qeyb ka yihiin masuuliyiinta Gobolka Saaxil oo kawar helay in dad cabanaya ay warka duubayaan labada wariye waxaana islamarkii ay labada wariye soo dhamaysteen shaqadooda ciidan loo dhigay kaantaroolka Abdaal ee ay kasoo bixi lahaayeen halkaas oo qalabkiina lagaga qaaday laguna xidhay Saldhiga Booliska ee magaalada Abdaal.Xadhiga wariyaasha

Xadhiga Labadan Wariye ayaa waxa uu qeyb kayahay tacdiga ay Xukumada Madaxweyne Siilanyo Kuhayso Suxufiyiinta Madaxa banaan ee ka hawlgala Gobolada dalka ee Wararka xaqiiqada ah ugudbinaya bulshada, Waxaanu xidhiga iyo cagajuglaynta wariyayaashu umuuqdaa mid sharciga baalmarsan sidoo kale waxa uu xadhian labada wariye kusoo beegmayaa xili dhawaan uu Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland soo saaray Go,aan uu ku shaacinayo in aan wariye layska xidhi karin ilaa danbi cad lagu helo ama loogu yimaado isaga oo danbi faraha kula jira.

 

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Xigasho Berbera Today.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here