Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Beeniyay In Xil Qudha Laba Masuul Loo Wada Magacaabay

0
340

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Afhayeenka Madaxtooyada somaliland  ayaa ka hadashay booska la taliyaha madaxweynaha ee hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah oo laba masuul layskaga daba magacaabay.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada somaliland Xuseen Deyr ayaa lagu sheegay in la taliyihii madaxweynaha ee hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah Cabdisamad Cumar Maal laga badalay xilkaas isla markaana loo magacaabay ku simaha garyaqaanka guud ee qaranka.

waxaana war saxaafadeedkaas lagu yidhi “Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku cadaynayaa in, Abdisamad Cumar Maal, oo ahaa La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah, in si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay ku simaha, garyaqaanka
guud ee Qaranka, ka dib markii garyaqaankii guud ee qaranku Mudane Ibraahim Iidle Saleebaan uu deeq Waxbarasho oo “Sannad iyo Badh ah”uu  ugu baxay Dalka Koonfur afrika.

Sidaa darteed, Af-hayeenka Madaxweynaha JSL, wuxuu qoraalkan ku caddaynayaa in aanay jirin hal xil oo isku mid ah oo uu Madaxweynuhu u magacaabay laba masuul oo kala duwan.

Ugu danbayntii, Mudane Fahmi Cabdi Bidaar ayaa ah La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah sidii ku cadayd warsaxaafadeedkii kan ka horeyey.

ALLAA MAHAD LEH

 

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here