Hargeysa(Xogsoormedia.com )-Abaaro xoogan ayaa ka gobolada Hawd iyo Salal ku waas oo ay abaartani saamaysay dad iyo duunyaba
Waxaana abaarta goboladan ku dhufatay ku barakacay boqolaal ka mida dadkii goboladaas daganaa ,abaartan o ah mid si weyn u taabatay badii dadkii iyo xoolihii deegaanadaas ku teedsana.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamud Siilaanyo, ayaa dhismaha ceelka Laanta Marada oo ku yaala Banka Geriyaad ee Gobolka Salal , ayaa ugu deeqay lacag lagu dhisaayo ceelkaasi mudo hada laga joogo lix bilood, hase ahaate ma jirto ilaa hada wax laga qabtay dayactirka ceelkaas,oo badi waraabin lahaa dadka deegaankaas wakhtiga biya la,aanta sidan oo kale ahi ay dhacdo.
Dadweynaha ku dhaqan goboladaasi ayaa sibaayo kala duwan ,uga hadlay saamaynta ay ku yeelatay abaarta baahsan ee ka jirta qaar ka mida deegaanada hoos taga gobolkasi, waxaana ay cabasho u direen xukuumada Somaliland iyo Hay’addaha sama falka iyagoo ugu baaqay in waxa ugu horeeya ee ay la soo gaadhaan tahay biyo.
Mid ka mida xildhibaanada laga soo doorto degamda Saylac oo halkaasi ka hadlaayey ayaa cabasho xoogan ka sidaa aan waxba looga qaban Ceelka Laanta-Marada oo in badan oo dadka deegaankaas iyo waliba dadka kale ay ku baahi bixi lahaayeen hadii la qodo biyihiisa. Waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “waxaa weeye dhibaa jira, ceelkan ma wax kiciyaa la waayey afar jeer baa la yimi afartaa jeer waxaan la socday laba jeer birana waa laga qaadayey birana waa la keenayey, maxaa dhacay miyuu samaysmi waayey waa in umada laga gubo aanu jirin ama in si dhakhso ah loogu sameeyo anigu xildhibaan baan ahay laga soo doorto golaha deegaanka ee degmada saylac dadkii isoo doortayna wax uma qaban karo, Madaxweyne waxaan maqalnay Tv-gana aanu ka aragnay inaad lacag waxaa loo biiyey Hijiin iyo BAM waxaa maqan waa Ijiinkii halkay martay in lays waydiiyo minaayey ahayn”
Dhan kalena gudoomiyaha gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Xasan , oo kormeer indha indhayn ah oo uu ugu kuurgalayay xaalada qalafsan ee abaareed ee ku dhufatay gobolka Hawd , ayaa waxaa uu gudoomiyuhu sheegay in uu halkaas kusoo arkay abaar xoogan oo wax yeelaysay xoolaha iyo dhirta sidoo kalena dadkii uu la kulmay ay aad uga cowdeen dhanka biyaha, waxaana sidoo kale sheegeen inay u baahan yihiin gurmad degdega oo dhanka dawlada ah .
Gudomiyaha gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Xasan isaga oo arintaas ka hadlaya waxaa uu yidhi ” Waxaanu leenahay Hay’addaha ay khusayso wasaarada maaliyada iyo wasaaradii biyaha waxaan leeyahay gurmadka ka qeyb gala Insha Allaah cidkal e hala sugina, dadka ay dada kale ee abaarta wax ka qabta Hay’adii NERAD iyo gudigii gurmadka abaaraha iyagana runtii mid toosa ayaanu ugu gudbinaynaa waraaqo la qoro iyo xafiis la tago midna laga gaadhsiin karimaayo”.
Isku soo wada xooriyo abaartan ba,an ee ku dhufatay gobolka Hawd Iyo Salal ayaa ah abaar aan indhaha laga qarsan Karin oo biya la,aanta ay ka daran tahay baad la,aanta meesha ka jirtaa .
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland