Maxakamada Gobolka Marroodijeex Oo Riday Xukun Aan Hore Looga Baran

0
346

Hargeysa(Xogsoormedia.com)  Maxakamada sare ee Somaliland ayaa maanta xukun ciqaabeed hal sano ah ku riday laba Markhaati beenaale.

Xukunkan ayaa ahaa midaan hore looga baran maxakamada sare ee Somaliland waxaanu xukunkani dhacay ka dib markii danbi lagu soo oogay laba qof oo la sheegay inay galeen Markhaati beenaale, danbigaasi lagu xukumayna uu yahay mid ay maxakamada sare ku heshay.

Labadan nin ee xukunka lagu kala riday ayaa kala ah 

1 Yuusuf Aw Axmed Maxamuud Ina Caasha Cabdule oo 45 jir ah 

2 Axmed Jaamac Maxamuud Ina Caasha Cabdilaahi oo 54 jir ah 

Waxaanay Maxakamadu xukuntay midkiiba halsano oo xadhig ciqaabeeda iyada oo Maxakamada Sare u cuskatay Qodobka 291 (1)  XXG 

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here