Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay kulan uu shalay la yeeshay maamuleyaasha dugsiyadda hoose dhexe ee dawliga ah ee Gobolka Maroodi-jeex. Waxxaanu kula dar-daarmay maamuleyaasha dugsiyadda hoose dhexe ee dawliga ah in ay iyaga masuuliyadda koowaad ka saran tahay sidii kor loogu soo qaadi lahaa heerka waxbarasho ee dugsiyadda dhexe iyo hoose ee dalka gaar ahaana kuwa dawliga ah.
Kulankaasi oo shalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa ayaa lagu lafo-guray sidii loo tayayn lahaa waxbarashadda dugsiyadda dawladda ee hoose dhexe ee dalka. Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka waxbarashadda Yuusuf Cismaan Garas, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda Abiib Axmed Cali, guddoomiyaha waxbarashadda gobolka Maroodijeex waaxda galbeedka iyo bariga Xuseen Ibraahim Xasan, iyo Ismaaciil Cali Faarax (dhubato).
Wasiirka waxbarashadda oo ugu horayn ka hadlayay u jeedadda kulankaasi, waxa uu yidhi “Haddii aad tihiin maamuleyaashii dugsiyadda hoose dhexe ee dalka gaar ahaana kuwa dawliga ah, waxaanu idiinku yeedhnay marka hore in aynu kala war-qaadano. Marka labaad-na waxbarashadda aasaasigeedii idinka ayaa gacanta ku haya, oo maamulaya. Waxbarashadda dalkuna, sida ay Hargaysa uga shaqayso ayuun buu dalkuna u shaqaynayaa, halkan wixii ka socda ayuun baa goboladana gaadhaya”.
Wuxuu sheegay wasiirku in aanay wasaaradu waxba ka hag-ran doonin sidii loo tayayn lahaa waxbarashadda dugsiyadda dhexe iyo hoose ee dawliga ah. “Inagu (dawladda) waxaynu haysanaa waxyaabo badan, hadana inagoo wax badan haysana macalinkii tababarnaa wuu inaga tegay. Tababar ayaa la geliyay, kharash ayaa la geliyay, wasaaradda waxbarashadda ayaa loo tababaray, wixii hadda ka danbeeya heshiis ayaan la gelaynaa. Ma waxaynu u tababaraynay in uu iskuul kale oo gaar loo leeyahay u shaqo tago, mise in uu wax ku soo celiyo bulshadii, ilayn hanti ummadeed ayaa ku baxdaye”ayuu yidhi wasiir C/laahi Dheere.
Isagoo hadalkiisa sii watyan waxa uu yidhi “Waxaa loo baahan yahay in aynu kabno tacliinta dugsiyadda hoose dhexe ee dawliga ah, waayo aasaaskii waxbarashadu waa idinka (maamuleyaasha), anaguna (wasaaaradda) waanu idinla soconaynaa. Wax Allaale iyo wixii la heli karayaba waanu raadinaynaa, idinkana is-xil qaam ayaa la idinka doonayaa. Idinma odhanayno aduun baad haysaan, oo kaaf-doon ayaad tihiin, laakiin waxaanu idin leenahay dedaalkiina iyo kartidiina, is-xil-qaama oo wax qabta. Oo ninka inoo shaqaynaya iyo ka aan inoo shaqaynaynin ha inoo kala duwanaadaan.”
Xuseen Ibraahim Xasan, oo ah guddoomiyaha waxbarashadda gobolka Maroodijeex waaxda galbeedka iyo bariga, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay u jeedadda kulankaasi oo uu sheegay in ay tahay sidii loo dar-dargelin lahaa tayadda dugsiyadda dawliga ah ee dalka gaar ahaana kuwa hoose dhexe.
Waxaanu dar-daaran u diray maamuleyaasha iyo ,acalimiinta dugsiyadda hoose dhexe, kuwaasi oo uu u soo jeediyay in aanu jiri doonin in macalimiintu ay guryahoodda ku soo saxaan imtixaanka teeramka koowaad oo maanta dalka ka bilaabanaya. Waxaanu yidhi “Waxaa inoo bilaabmaya berito (maanta) imtixaankii yarraa ee dugsiyadda hoose dhexe. Waxaan jecelahay in aan idiin sheego ogaysiis yar oo lagama maarmaan ah, imtixaan la qaaday oo magaaladda lala tegayo ama aqalba ha ahaatee ma jirayo, imtixaanka xafiiska ayaa lagu xidhayaa maamuleyaaloow. Marka laga soo baxo maadadda, xafiiska ayaa lagu xidhayaa, macalinka saxayaana waa in uu ku saxaa xafiiska dugsiga.” Dhinaca kale, qaar ka mid ahaa maamuleyaasha dugsiyadda hoose ee dhexe ee dawliga ah ee kulankaasi ka qayb galay oo halkaasi hadallo ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay qorshahan cusub ee ay soo saartay wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare. Waxaanay tilmaameen xubnahaasi in baahiyaha kala duwan ee ay qabaan in ay la qabaan qaranka, isla markaana ay dhinacoodda diyaar u yihiin in ay sida ugu wanaagsan waajibaadkoodda u gutaan.
By: Khadar Cabdi Muuse
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Xigasho Dawan