Booliska Soomaaliya Oo U Dabbaal Degay Maalintii Gumaystuhu Aasaasay Iyadoo Nabad Gelyada Caasimadooduna Afrika Magan U Tahay

0
331

Muqdisho (Xogsoormedia.com):- Booliksa Soomaaliya ayaa maanta u debaal degay 72 guurada ka soo wareegtay maalintii gumaystuhu aasaasay oo ku beegnayd maanta oo kale 1943,kii. Xilligaas oo dalka Soomaaliya uu gumaysanayay isla markaana uu gacanta ku hayay dalka Talyaanigu, Sanad guurada ay xusyaan booliks Soomaaliya ee ay maanta u debaal degayaan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay nabad gelyada Soomaaliya maamulokala duwan gacanta ugu jiraan isla markaana ay ka taliyaan awoodo iska soo hor jeeda.

Waxaana Soomaaliya meelo badan oo ka mid ah ka taliya kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dawladda Soomaaliya iyo ciindanka nabad ilaalinta u jooga ee AMISOM ee ka socda Midawga Afrika.

Xuska_Booliiska_Somalia_2015 (16)

Deegaano kale oo badana waxaa gacanta ku haya oo kal taliya Maamul goboleedyo caalamku taageeray oo lo sameeyay Soomaaliya halka ay dalka Soomaaliya ka jirto Dawlad caalamku aqoonsan yahay oo federal ah oo Muqdisho degen isla markaana nabad galyadeeda iyo ammaanka madaxdeedaba uu sugo ciidanka ka socda Dalalka Midawga Afriga ee AMISOM.

Munaasibad loo qabtay maalinta 72 guurada maalinta Somali/Italian Police oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiiro,saraakiisha Booliska,madaxda ciidanka AMISOM iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay maalinta boolisku muqdisho ku xusayay ayaa sheegay in booliska Soomaaliya u baahan yahay in la is garab taago isla markaan imika uu sidii hire soo dhaamayo

“Booliiska Soomaaliya way soo kabanayaan, isla markaana waxaa loo baahan yahay in lala shaqeeyo si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran ee loo igmaday,”

Waxaa kale oo uu ka hadlay tiirarka dawladnimo in ay ka mid tahay sharciyad iyo kala dambayn

. “Dowladnimadu waa xoog sharciyad leh. Hal-ku-dhigga ah sharciga ilaali ha ku ilaaliyee, waxaa micmaheedu yahay in shacabka ay sharciga u hiiliyaan si ay nabad iyo caddaalad ugu noolaadaan. waan ku faraxsanahay horumarka uu sameynayo ciidanka booliiska Somalia. Waxaan si gaar ah u amaanayaa taliyaha booliiska Somalia Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamud oo ah nin laamaha ammaanka ee dalka horumar badan ka sameeyay, sida diyaarinta kaadiriinta cusub ee ciidamada nabadsugidda Qaranka, Wasaaradda Difaaca iyo booliiska Soomaaliya.”

Isagoo hadlkiisa sii wata ayuu intaa ku daray..“In booliisku aqoon yeesho waa arrin muhiim ah… waxaanna wax lagu farxo ah in taliyaha booliska iyo ciidamada booliiska ay xoogga saareen in booliiska ay noqdaan kuwo aqoonta laamaheeda kala duwan barta oo ay ugu horeyso qorista afkeenna Hooyo. Dardaaranka aan u jeedinayo ciidamada booliiska ayaa ah in muhimad la siiyo aqoonta,’’

Booliska Soomaaliya ayaa inta badan waxaa lagu arkaa magaalada muqdisho oo kaliya oo ay ka jiraan isla markaana ku kooban yihiin iyagoo aan ammaanka caasimaddana waxba ka tarin ama aan ka qaban laakiin waxaa kaliya ee ay bulshada caasimadda Soomaaliya arkaan oo kaliya marka qarax ama weerar is miidaamin ahi dhaco kadib oo ay meesha soo gaadhaan.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here