Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen oo ah odayga Somaliland oo maalmihii u dambeeyay xanuunsayay,ayay xaaladiisa caafimaad soo wanaagsanaanayso illaa xalay sida uu Xogsoormedia.com u xaqiijiyay Maxamed Xaaji Cabdikariin.
“walaal wararka la sheegayo ee suuqa la soo galiyay waxba kama jiraan Aabbo saaka ayuu ugu caafimaad wanaagsan yahay oo lugihiisa ayuu ku socday oo uu suuliga ku tegay dhakhaatiirtuna dawooyin ayay u qoreen oo uu saaka bilaabay.”ayuu yidhi Maxamed Xaaji Cabdikariin Xuseen.
Xaaji Cabdikariin ayaa xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa imikana ku sugan Addis-ababa.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland