Al-Shabaab Oo Digniin Adag U Dirtay Dawlada Somaliland

0
336

Muqdisho(Xogsoormedia.com) Mujaahidiinta Xarakada Alshabaab ayaa fariin digniina u soo dirtay dawlada Somaliland.

Taas oo ay sabab uga dhigeen towxiidkii Illaahay oo layskaga tagay loona diiday dhalinyaradu inay akhriyaan amase kor u qaadan 

waxaanay mujaahidiintu iyaga oo arrimahaas ka hadlaya ay yidhaaheen  “Somaliland-bay la baxeen Magaalada Hargeysa waxaaa looga dhawaaqay,oo hada cusub inay yidhaaheen, dadka gaadhay 20 jirka wiil iyo gabadh dadka waxaa mabnuuca towxiidka Illaahay, in loo akhriyo anaguna geedaha hoostooda ayaanu ku akhriyi jirnay”

Waxaanay mujaahidiintaasi wacad ku mareen in intoo masaajida layskala yimaado geedaha hoostooda towxiidka lagu akhriyi doono waxaanay yidhaaheen iyaga oo arintaas ka hadlaya “waxaananu u sheegaynaa dawlada Somaliland in inta masaajida laga soo baxo geedaha hoostooda lagu akhrisan doono, waxananu u sheegaynaa Hargeysa Towxiidka haday la dagaalantay, Allaa qofkasta oo la dagaalama waa uu dulooba,Allaaha Raxmaanka ah ninkii isku taagana dawladnimo ma yeesho, Hargeysa iyo meelka fogna Towxiidka ayaa laga akhriyi doona maalin dhow oo aan sida u sii fogeyn, inta masaajida la soo dhaafo ayaa geedaha lagu akhrisan doona”

Iyaga oo hadalkooda siiwata waxaa ay intaas ku dareen “Islaamka markaa Alle waa ciseeyay cisada Islaamkana Allaa keenay, kalmada Illahay u dagaalano oo kor uqaadno”

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here