Berbera(Xogsoormedia.com)-waxa hada ka bilaamay mudaharaad lagaga soo horjeedo dilka Taliyihii Ciidanka Birmada Gobolka Saaxil ee maalintii shalay uu toogtay Gacan Kudhiigle Cabdirisaaq Maxamed Khayre oo kamid ahaa askartiisa uu Xukumo. waxaana laga maqlayaa hada magaalada berbera daafeheeda dhawaaqa rasaasta ay ciidamada boolisku ridayaan iyaga oo ku kala kaxeyna dadweynaha gadoodsan oo wadooyinka dhagxaan ku kala xidhaya taayirona gubaya.
dhinaca kale war hada nasoo gaadhay ayaa sheegaya in Maxkamada Ciidamada Somaliland darajooyinkeeda koowaad iyo labaad ay had dil toogasho ah oo deg deg ah ku xukuntay Gacan Kudhiigle Cabdirisaaq Maxamed Khayre(Gadhmale)oo maalintii shalay si badheedha utoogtay Taliyihii Ciidanka Birmadka Berbera Marxuum Aadan Guuleed Dahir(Talaabo)oo ilaa hada aan la aasin oo talaagada Cisbataalka guud ee Berbera Meydkiisi kujiro.
Waxase aad looga dayrinayaa sida loo fulin doono dilkan lagu xukumay gacanb kudhiiglaha iyada oo laga wada warqabo inay jeelasha dalka ka buuxaan boqolaal askari iyo gacan ku dhiiglayaal kale oo hore dilal toogasho ah loogu xukumay balse aan la fulin oo haayada UNDP ay faragalin ku hayso fulinta qisaasta gacan ku dhiiglayaasha islamarkaana ay biil markiiba uqorto dadka dilalka geysta halka ay xukumadana ku Qanciso in fulinta qisaasto ka hor imanayso shuruucda dimuguraadiyada islamarkaana ay ku hanjabto hadiiba ay xukumadu iskudaydo fulinta dilalka qiyaasta laga jari doono mucaawimooyinka ay bixiyaan haayadaha qaramad midoobay iyo kaalmooyinka caalamiga ah.waxanay talaabooyinka ay haayadani wadaa ka hor imanayaa shareecad islaamka iyo kitaabka alle ee sheegaya in qofkii qof dila loo dilo lana qisaaso.
Wixii warar Kasoo kordha Mudaharaadka kasocda magaalada Berbera iyo xaalada Gobolka
Shabakada Xogsoormedia
Xogsoormedia
Hargeysa Somaliland
Xigasho: Berberatoday.com