Hargeysa (Xogsoormedia.com) Dawladnimadeeni halis bay ku sugan tahay. Hore way u kala yaacaday. Sida wararka ugu dambeyay sheegayaanna, intii hadhay way isku daadatay. Waxa isku milmay Xukuumaddii iyo xisbigii Kulmiye. Waxaanay halis ugu jirtaa xukuumaddu in ay laba madax yeelato.
Halkaasi waxa ku ragaadday dawladnimadii, xisbinimadii, iyo dimuqraadiyadii. Xaaladdaasina waxa keenay dhaqanka qaloocan ee siyaasiga ah iyo kooxaha siyaasiyiinta ee awoodda dawladnimo gacanta ku haya.
Gefka ugu weyn ee dhacayna waxa weeye distoorkii iyo xeerarkii lagu heshiiyay ee Somaliland lagu dhisay oo aan la raacayn.
Iyada ooxaaladdu sidaas ah, haddana amal baa jiree waa in aynu aayaheenna ka talinaa.
Amalka Somaliland maanta waa Xisbiga Waddani. Si aanu kaalintiisa u gabin waxa la gudboon in uu noqdo: xisbi aan qoflahayn, kooxi lahayn, oon qolo lahayn. Xisbi ilaalinaya ooku dhaqmaya distoorka iyo xeerarka dalka.
Haddaba, si dhaqankaasi wanaagsan ee baaahhida loo qabaa uga muuqdo, Xisbiga Waddani waa in uu:
- Distoorkiisa qabyada ah dhamaystiraa.
- Shirweynihii xisbi qabtaa.
- Hogaankii xisbiga, Guddidii Fulinta, iyo Golihii Dhexe doortaa.
- Fursad u siiyaa tartamayaasha musharaxa madaxweynaha iyo ku xigeenku inayGolaha Dhexe eeShirweynaha lagu doortay ku dhex tartamaan.
Ka dheeraadaa in la qabto shir GoleDhexe oo ah kii Ururkii Waddani oo la doonayo in dhexdiisa lagu tartamo.
Hadii uu Waddani sidaa yeelo, wuxuu noqon doonaa amalkii badbaadiyay dawladnimadii, xisbinimadii, iyo dimuqraadiyaddii Somaliland.
WAR MURTIYEED KA SOO BAXAY XAFIISKA PROF. CABDISALAAM YAASIIN MAXAMED
TARTAMAHA MURASHAX MADAXWEYNE EE XISBIGA WADDANI GUDIHIISA
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland