Halkan Ka Daawo: Taliyihii Ciidanka Biradka Ee Magaalada Barbara Oo Toogasho Lagu Dilay Iyo Mudahraadyo Rabshado Wata Oo Gil-Gilay Magaalada Barbara.

0
321

Barbara(Xogsoormedia.com) Alla haw naxariiste waxa geeriyooday taliyihii ciidanka SPU ee Booliska gobalka Saaxil Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Talaabo) oo uu rasaas ku furey mid ka mid ah askartii xalay heeganka kaga jirtay saldhiga Berbera oo ay saaka ka socotay xil wareejin xilka loogu kala wareejinayay laba sarkaal oo Boolis ahi.

Askariga oo aan la garanayn sababta uu rasaasta ugu furay taliyaha, ayaa waxa ay rasaastii uu furay sababtay in taliyuhu markiiba u geeriyoodo, waxaana maydkiisa la geeyay cisbitaalka Berbera, iyadoo askarigii dilka gaystayna xabsiga lagu hayo.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaas Oo Faahfaahsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here