Hargeysa(Xogsoormedia.com) Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamad Muuse Diiriye ahna ku simaha wasiirka wasaarada arrimaha gudaha mudane Cali Maxamad Warancade.
Ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ciidamo Somaliand ah oo la sheegay in la geeyay deegaanka Godaale,ee gobolka Xaysimo,
Waxaanu wasiir ku xigeenku sheegay in ciidamadan goobtaas la geeyay ay yihiin ciidamo ilaalinaya sugida abniga goobtaas oo uu sheegay in sahamin shidaal laga wado.
Maxamad Muuse Diiriye wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha Somaliand oo arintaas ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Ciidanku makii horeba waa ay joogeen goobtan imikana ciidamo siyaada ayaa tagay goobtan oo laga wado shidaal sahamin sababta ay ciidankani u tageena waxaa ay tahay sidii ay abniga goobtan shidaal sahaminta laga wado ay u sugi lahaayeen”
Dhanka kale wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Maxamad Muuse Diiriye waxaa uu ka hadlay diyaaradaha imika halkaas sahaminta shidaalka ka wada oo uu cadeeyay inanay jirin wax shidaala oo hada halkaas laga qodaya hase ahaate tani ay tahay sahamin guud waxaanu yidhi isaga oo arintaas ka hadlaya ” Tani waa sahamin guud oo imika la wado laakiin maaha baadrool imika intoo la qodo la soo saaraayo”
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland