War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii  Magaalada Hargeysa Uga Socday Safiirada   Somaliland Ee Dalalka Beesha Caalamka U Fadhiyay

0
303

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Kulankii mudada afarta cisho ah ug socday Magaalada Hargeysa safiirada dalka Somaliland.

Oo uu wasiirka wasaarada arrimaha dibada Somaliland mudane Dr: Sacad Cali Shire uu furay ayaa lagu falanqeeyay qorshayaasha iyo himilada siyaasadeed ee arimaha dibada Somaliland.

Kulankan oo uu guddoominayay Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shirre, ayuu tilmaamay  in kulankan qasdigiisu yahay sidii loo dejin lahaa siyaasadda khaarajiga.

Wasiir Sacad Cali Shire isaga oo arintaas ka hadlayana waxaa uu yidhi “waxaynu halkan iskugu nimid si aan uga wada hadalno dariiqii aynu ku gaadhi lahayn aqoonsi caalamiya,”

in tusmadii ka qeyb-gelayaasha shirkan iyo soo jeedi mahoodiiba ay kaalin muhiim ah ka qaadanayso in la isku dubo rido siyaasadda arrimaha dibadda (foreign policy). Sida lagu sheegay war-saxaafadeed xalay niskii
dambe ka soo baxay wasaaradda khaarajiga Somaliland.

War-saxaafadeedka waxa lagu sheegay in dadkii ka soo qeyb-galay shirkan ay ku jireen Wasiirradii hore ee wasaaradda Arrimaha dibadda soo maray, xubno Baarlamaanka ka tirsan iyo saraakiil ka socday xisbiyadda mucaaridka ah.

Wasiirkii hore ee Khaarajiga Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa tidhi “Siyaasadda Arrimaha dibaddu ma aha mid u taalla ama ay danaynayso oo kaliya wasaaradda khaarajigu ee waa mawduuc khuseeya dadka Somaliland oo dhan.”

War-murtiyeedka waxa lagu sheegay in tallooyinkii madaxdii ka qeyb-gashay la qoray doodahoodii. Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay intaasi ku dartay inay shacbiga Somaliland u caddeynayso inay sii wadayso juhdiga loogu jiro aqoonsiga Somaliland “Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madax-banaan oo xaq u leh aaya-ka tashiga qaranimadiisa,”Ayuu yidhi Wasiirka Khaarajga Somaliland

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here