Somaliland oo Ku Dhawaaqday Dagaal Ka Dhan Ah Diyaarado Ugaadhsi Sharci Darro Ah Ka Geystay Dalka

0
301

“Diyaaradahaa arrintooda shir ayaanu ka yeelanay’waxaanan faraynaa Ciidanka Qaranka iyo dadka reer guuraaga ahiba in ay dagaal kala hor tagaan.” Maayarka Badhan.Waraysi Gaar ah.

Badhan(Xogsoormedia.com)Maayarka Magaalada Badhan Cabdale Maxamuud ,ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Diyaarado maalmihii ugu dambeeyay duulimaadyo Ugaadh doonis ah ku imanayay deegaano ka tirsan gobolka Badhan.

Diyaaradahan ayaa qasaare soo gaadhsiiyay xoolo nool oo ku dhaqnaa deegaano ka tirsan gobolka Badhan.

Maayarka Degmada Badhan ee Gobolka Badhan Cabdalle Maxamuud oo khadka tilifoonka ugu warramay Tifatiraha shabakadda Xogsoormedia.com isagoo ku sugan degmada Badhan,ayaa intaa ku daray in ay Xukuumadda sare ku war galiyeen khatarta ay diyaaradahan duulimaadyada hoose ku duulaya ee ugaadha gobolka Badhan ku soo duulay.

Waxaanu intaa ku daray in ay qasaare badan geysteen isla markaana ay duunyo badan oo ku dhaqan gobolka Badhan.

“Horta diyaaradahani waxay ka soo duuleen dhanka Badda waxaanan u malaynaynaa in ay yihiin diyaaradaha Millatariga eek u sugan biyaha badda Soomaaliya ee ka dul duula Maraakiibta Ciidamada waxaanay deegaanka ku yimaadeen duulaan ay ku soo qaadeen Qaranka Somaliland oo ay ku soo xadgudbeen hawadiisa intaa waxaa dheer in ay shabaag soo tuurayaan oo ay ku ugaadhsanayaan duur joogta dalka ee gobolkan Badhan hodanka ku yahay,waxaa kale oo ay qasaare u geysteen xoolo tiro badan iyo dadweynihii xoolo raacatada ahaa.”ayuuu yidhi Maayar Cabdalle.

Mar uu ka hadlayay cidda diyaaradaha leh iyo tallaabada ay maamul ahaan qaadanayaan,ayuu yidhi Maaayar Cabdalle. “Horta waa duulaan qaranka lagu soo qaaday cidda tuugada ahina isma sheegto illaa la iska celiyo markaa anagu shir ayaanu ka yeelanay go,aanna waanu ka soo saarnay waxaanan hawl galinay Ciidanka qaranka oo amar ku haysta in ay tallaabo ka qaadaan diyaaradahaa Millatarigu leeyahay ee Helikobtarka ah ee hawada Somaliland intay ku soo xadgudbeen waliba qasaarahana ka geystay ee udhaadhii dalkana sharci darada ku qaadanaya markaa dadweyhana reer guuraaga ahna waanu u sheegnay in ay iska celiyaan Millatariguna waa u diyaar oo wuu ka difaacayaa dalka imikana hawl galka way ku jiraan ciidan iyo shicibba diyaaradahaa dagaal ayaa lagala hor tegayaa waana la iska difaacayaa.”ayuu yidhi Maayarka Degmada Badhan ee Gobolka Badhan oo u waramayay Shabakada

Duur1.jpg5.jpg6Duur1.jpg5Duur1.jpg2.jpg3.jpg4Duur1.jpg2.jpg3Duur1.jpg2Duur1Duur1.jpg5.jpg6.jpg7

Xogsoormedia.

Xogsoormedia.com

 

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here