Halkan Ka Daawo: Aabo 100 Jira Oo Ay Islaantii Ka Tahriibtay Siweyna Uga Dayriyay Xaaladiisa Nololeed

0
352

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Ismaaciil Cali Axmed oo ah Boqol jir isaga iyo Qoyskiisa oo tabaalo nololeed hayso  ku nool Xaafaddaasi, ayaa Weriyaha uga sheekeeyey dhibaatada haysata oo ay ka mid ahayd Xaaskiisa oo iyadu ahayd haweenay da’a oo ka tahriibtay, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “Awoowe Qoyskayga Xaaladiisa Nololeed horta Illaahay wuxu ku qoro ayuumba la cunaaye, laakiin waanu iska waxaysa nahay (Liidanaa) oo meesha (Buulkan) horta waxa ka jooga aniga iyo ninkan Waalan oo aan anigu dhalay, waxa igaga sii daran taasi Islaantii dhashay ee aanu wada joognay oo la yidhaahdo Suuban Maxamed Cilmi, way iga tahriibtay oo meel ay ku nooshahay garan meyno oo waxaanu ku noolahay Kaamkan State House-ka, waxaanu ku noolahay Xaafaddahani aniga iyo kaniba oo waxna siiya oo Xabadda Laxooxda ah iyo Koobka Shaahaba na siiya kolba wixii ay noo helaan, ragga aan dhalayna laba ayey ahaayeen oo midina waakan Xanuunsanaya ee halkan ku jira kii kalena Jeelka ayuu ku xidhan yahay, Islaantiina way iga tahriibtay oo iyada ilaa Sannad mudo ka badan meel ay jaan iyo cidhib dhigtay oo ay ku dambeysay maanaan arag Geeri iyo nolol meel ay ku dambaysay.”

Odayga Waayeelka ah oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  “Noloshaydii hore adeer wakhtiga  ayaa isbedelaaya ee way wanaagsaneyd oo sannaddii 1977-kii UN-ka (Qaramadda Midoobay) ayaan u shaqeyn jiray  oo wakhti dheer ayaan Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa ayaan u sarkaal ka soo ahaan jiray oo dee noloshaydu way iska wanaagsaneyd  meel walbana diyaarad ayaan ku tegi jiray oo nimankaasi ayaan la shaqeyn jiray laakiinse wakhtiga ayaa iska cayn ah oo isbedelaaya oo adigu ma xukumi kartid wakhtiga in aad wanaajisato iyo in kale ee isaga ayaa ku xukuma. Raggu haddii uu aynigan oo kale gaadho Imisa jir ayaad tahay la maba yidhaahdo oo Boqolkii ayaanu Afka ku hayna oo nin boqol jiray maxaad ka odhan imisa jir kolay boqol baaban ahaye, Islaanteydana horta dee Islaan weyn ayey aheyd oo waxba igama yareyn waxaanay aheyd Islaan daarood ah oo xagaasi Koonfurta ayaan joogi jiray waagii aan xooga ahaa ee mashaariicda fulin jiray  oo aanu isku guursanay , marka runtii wakhtigan da’deeda aniga oo boqol sanno ah dhawr sano ayuumbay iga yareyd”

Ismaaciil Cali Axmed, waxa uu baaq u diray shacabka Somaliland iyo Xukuumadda, waxaanu yidhi “Waxaan umadda ugu baaqayaa oo aan dawladda Somaliland-ka codsanayaa baaq Islaamnimo ayaan u dirayaa oo waxaan u diraynaa dad aan wax haysan ayaanu nahaye waxaan ka codsanayaa ama ugu baaqayaa waar dad aan waxba haysan oo dantu hayso ayaanu nahaye wixii na lagu tari karo ha na la soo gaadhsiiyo. Waxa noogu sii daran taakula Caafimaad  mid adduun mid dhaqaale iyo mid Xanuun. Madaxweyne Siillaanyo waxaan u dirayaa baaq gaar ah nin weyn ayaan ahay oo walaahi Been ku sheegi maayo ee Siillaanyo halkan Doqon ma waaye ayaan ku wada shiri jirnay kolkii doorashadda lagu jiray oo Xaafaddayadan State House-ka ayuu noogu iman jiray, markaasu odhan jiray waar saddex goor ayaa lay legday ee Ilmaadeerayaalow maanta hayga tegina ee codka iigu hiilaya, waxaan leeyahay Madaxweyne Siillaanyoy ha naga tegin maantana waanu jilic sanahaye oo annaga iyo xaafaddan oo dhami way jilicsan tahaye

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

Halkan Hoose Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here