Hargeysa(Xogsoormedia.com) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ,Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta la hadlaayay ayaa ka hadlay shirka wadatashiga hiigsiga 2016-ka ee Somalia uga furmay caasimada Jaabuuto ee Dalka Jabuuti Waxaanu Injineer Faysal Cali Waraabe , ku eedeeyay in niman Khaatumo aaminsani dabada ka riixayaan.
Waxanu gudoomiye Faysal uu meesha ka saaray rajada Soomaaliya ay qabto ee ah in Somaliland iyo Soomaaliya mar kale isku soo noqdaan, oo ay midoobaan .
Guddoomiyaha Ucid, wuxuu ku dooday in midnimadii Somalia cidda keentay ahayd Somaliland islamarkaana aanay hadda diyaar u ahayn soo celinta midnimada, iyadoo Soomaalida intii kalena tashatay, wuxuuna siyaasiyiinta Somalia ugu baaqay inay dalkooda hagaajiyaan.
Eng Faysal ayaa sidoo kale bogaadiyay dib u habaynta ka socota waaxda garsoorka Somaliland oo madaxweyne Siilaanyo bookhday shalay xafiisyadooda.
Halkan Ka Daawo