Wasiirkii Kalluumaysiga Somaliland Ee Hore Maxamad Yaasin Xasan “Qabyaalad Iyo Dawladnimada Lays Dhex Galinaaya Waa Dab Iyo Dhagax Laysku Dhuftay Ee Aynu Kala Ilaalino”

0
282

Hargeysa (Xogsoormedia.com)-Wasiirkii hore ee wasaaradda kalluumaysiga Somaliland, Maxamed Yaasiin Xassan, ayaa sheegay in la kala ilaaliyo qabyaaladda iyo dawladnimadda, isla mar ahaantana waxaa uu xusay in loo baahan yahay in madaxdu joojiso shirarka beelaysan ee lagu bixinayo hantida qaranka maadaa aynu maanta aynu marayno meel wanaagsan.

Maxamed Yaasiin wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook, waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:

“Somaliland inamay soo marin maalin aynu maanta ka wanaagsanahay,waana inaynu dib u eegnaa wixii aynu soo marnay waxaa xaqiiqo biyo kama dhibcaana ah inuu Ilaahay inoo nimceeyay wadankeena, shacabkeenuna yahay mid dadaalay,jecela horumarka iyo dawladnimada,midnimada,isdhexgalka bulshada,iyo sidoo kale abniga Ilaahay inagu manaystay waa inaynu garana”

Wasiirku Maxamad yaasin waxaaa uu xusay inaanay jirin maanta maalin aynu ka wanaagsanahay waxaanu yidhi “ Maanta maalin aynu ka wanaagsanahay oo aynu dhaana ma jirto,marka loo eego maalmihii qadhaadha, ee ina soo maray, markaa yaynaan qaranimada iyo wanaagaa qabiil iyo xumaan yaynaan ku doorsan oo aynaan xabaalo badsanin”

Aynu kala saaro Qabiilka iyo Dawladnimada.

Wasiir Maxamad isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray oo uu yidhi “ guusha aynu maanta joognaa maaha mid nin kaligii keenay maaha, reerna kaligood ma keenin, reero isbahaystayna may keenin, xisbina kaligii muu keenin, dawlad kaligeed keentayna ma jirto,qaranimada Somalilandna waxa keenay shacabka Somaliland oo isu dhan,way jiraan khaladaad fara badan oo xaga maamul xumo baahsani way jirtaa,qabyaalad iyo qaraabo kiil waa uu jiraa,musuq maasuq fool xumina waa uu jira,shaqo la,aan xad dhaaf ahina waa ay jirtaa laakiin waa in aan la niyad jabin”

Sidoo kale waxaa uu wasiir Maxamad bulshada ugu baaqay hadii horumar la doonayo in waa in qabyaalada iyo maamulka dawladeed la kala saara  isaga oo arinkaas ka hadlaayana waxaa uu yidhi “si wanaaga maanta jira loo ilaaliyo waa in qabyaalad iyo maamulka dawlada la kala saara , waana in dabka iyo dhagaxa la isku garaacayo la kala joojiya,waxaana ii muuqata in shacabkii dariiq khaldan lagu wado,oo madaxdii qaranku iyagu tumanayaan durbaankii qabyaalada”

Wasiirku waxa uu sheegay in qabyaalada hore loogu jabay “qabyaaladaas hore ayaa loogu jabay,ee hala joojiyo ayaan leeyahay qaranimada iyo mustaqbalka Somalilandna waa ay dhaawacaysa waxaana haboon  in madaxdeenu ,joojiso hantida qaranka ee lagu bixinaayo shirarka beelaysan ee caasumadaha qabiilaysan abaabulkooda iyo isku soo faynta beelaha ee aan la gabaynin “ayuu yidhi wasiir Maxamad Yaasin

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here