Siyaasi Ku Adkaa Mucaaridnimada KULMIYE iyo Xukuumaddiisa Oo WADDANI Ka Baxay

0
320

Hargeysa (Xogsoormedia.com):- Siyaasi ku adkaa Mucaaridnimada KULMIYE iyo Xukuumaddiisa kana tirsanaa Masuuliyiinta iyo hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa iska casilay Xisbiga WADDANI xilkii uu ka yahay oo ahaa xoghayaha Siyaasadda ee Xisbiga WADDANI.

Maxamed Raage oo maanta soo saaray war –saxaafadeed uu xilka xisbiga iyo xubinnimadaba iskaga casilay ayuu ku sheegay in uu doonayo in uu u madaxbannaanaado himilada siyaasadiisa.

maxamuud-raage

Siyaasi Maxamuud Raage oo si dhaw saaxiib ula ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, isla-markaana ay muddo dheer soo wada shaqaynayeen, ayaa qoraalkiisa si maldahan ugu muujiyey inuu muran dhinacna u dhici waayey oo ijiid aan ku jiidee ahi ka aloosan yahay xisbiga dhexdiisa, isla-markaana go’aan jilicsani fagaaraha Waddani kasoo shaac baxay.

War-saxaafadeedka uu Siyaasi Maxamuud Raage Iscasilaaddiisa ku sheegay, ayaa Guddoomiyiye Cirro ugu sheegay inaanu rabin inuu dhaawaco Himiladiisa iyo rabitaankiisa, isla-markaana uu door biday inuu Xisbiga Gebi ahaanba isaga tago.

Is-casilaadda Xaghaye Maxamuud Raage, ayaa u dhignaa sidatan:

Ujeedo. Xil Ka tegid

Ku Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdirahman Maxamed Cabdullahi

Ku Gudiga Fulinta Xisbiga Waddani ee heer qaran

Ku Dhamaan Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani

Ku Wargeysyada Maxaliga ah ee Somaliland

Gudoomiye Waxaan kula socodsiinayaa in aan iska casilay xilkii Xoghaya Siyaasada Xisbiga Waddani, Xubinimadii golaha dhexe iyo fulintaba, aniga oo aan jeclayn in aan dhaawaco himiladaada iyo hadafkaaga siyaasadeed waxaan kula socodsiinayaa in aad u magcaabato xubin kuu buuxisa xilka Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Waddani , Waxaan kaaga mahad celinayaa wadashaqeyntii mudadii koobnayd , waxaan kaloo u mahad celinayaa dhamaan walaalihii iyo asxaabtii aanu is baranay mudadii aan ka tirsanaa xisbiga waddani, waan ogahay in badan oo idinka mid ahi aa dhibsanaysaan xil ka tegidan, laakiin waxa timi daruuf keentay in aan xilkan baneeyo. Runtii waa go,aan aad u adag laakiin waxay xal u noqonaysaa arin mudo taagnaa oo dhinacna u dhici waayey. Waxaan Waddani iyo asxaabtaba u rajeynayaa guul . Waxaan kaloo sii wadan doonaa shaqadeydii in aan qaranka reer Somaliland usii shaqeeyo inta suxulkaygu ciid ka sareeyo.

Xoghayihii Hore ee Xisbiga Waddani

Mudane Maxamuud Raage Ibrahim

Hubaalmedia.net

Hargeysa, Somaliland

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here