Nairobi(Xogsoormedia.com) Waxaa gabi ahaanba maanta dalka Kenya looga dabaal dagay xuska 52 sano guuradi ka soo wareegtay,markii Kenya Xornimadeeda qaadatay,kana qaadatay wadanka Britin oo aheyd 12-kii bishi December, 1963-dii.,xuska maalintan loo yaqaano (Jamhuuriya Day) ayaa siyaabo kala duwan lppga xusay dalka Kenya
Waxaana dabaal dega xaflada maalintan lagu qabtay Garoonka kubada cagta ee dalka Kenya Nyayo National Stadium ee ku yaalla badhtamaha caasimada ee magaalada Nairobi,xaflad oo aheyd si heer sare ah loo soo agaasimay oo uu ka soo qayb galay Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, isagoo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysana ujeediyay shacabka dalka Kenya.
Waxaanu Madaxweynuhu khudbadiisa uga hadlay arimo ay ka mid yihiin, Abniga, Musuq Maasuuqa iyo horumarka dalka Kenya.waxaanu shacabkii uu khudbada ujeedinaayay ugudbiyay fariin ku aadan sidii dawladiisa ay uga go,an tahay la dagaalanka Musuq Maasuqa iyo Xag-jirnimada.
Sidoo kale, madaxweynaha Liberia, Ellen Johnson Sirleaf oo booqasho ku joogto wadanka Kenya, ayaa magaalada Nairobi uga qayb-gashay xafladda maalinta xornimada Kenya.
Sidoo kale waxaa la adkeeyay abniga goobaha ay ka dhacayeen xafladaha dabaal dega munaasibada maalinta xornimada dalka Kenya.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland