Wasiirka Caddaaladda Oo La Gar Naqsaday Beesha Caalamka

0
310

“Beesha Caalamku Xuquuq Qof’na Way Ilaalisaa Dal Dhan Oo Somaliland La Yidhaahdona way Duudsiday.” Wasiirka Caddaaladda

 Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Wasiirka Caddaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadarre,ayaa beesha caalamka ku dhaliilay in ay xuquuq qof kaliyana in ay ilaalinayso isla markaana ay duudsiday dal dhan iyo dadkiisaba xuquuqda ay leeyihiin iyo xaqa dawladnimadoodana.

cadaro1

Waxaanu dhawrista xuquuqda aadamaha maalinta loo asteeyay dabaal degyada loo samaynayo in ay run ka tahay beesha caalamka iyo qaramada midoobay iyo in ay iska hadlayaan uu ku xidhay shuruud ah in ay qiraan xuquuqda qaranka Somaliland iyo jiritaanka dal iyo dad la yidhaahdo Somaliland oo caalamku ka duudsiyay dawladnimadooda iyo aqoonsiga ay xaqa u leeyihiin.

Waxaanu Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha u dooda uu ku tilmaamay qaar garab marsan Xuquuqda ay sheegaan in ay ilaalinayaan laakiin ay waajib ku tahay in ay qiraan xaqa iyo Xuquuqdan qaran ee dalka iyo dadka reer Somaliland leeyihiin ee laga duudsiyay.waxaanu sidaa ka sheegay Wasiirka Caddaaladda Somaliland xuska maalinta xuquuqal insaanka oo Somaliland laga xusay.

Waxaanu Wasiirku intaa ku daray in Somaliland dhawrista Xuquuqda aadamaha kaalinta koobaad kaga jirto wax tacadiyo ah la isugu geystaana aanay jirin.

“Somaliland waxay u taagan tahay in ay ilaaliso xuquuqda aadamaha waxaanay u dhisan tahay oo ay u jirtaa dhawrista Xuquuqda aadamaha dhamaantood,waxaa laga yaabaa in aad la yaabtaan oo aad tidhaahdaan siday dhamaantood u ilaalisaa Somaliland,laakiin waa run oo way ilaalisaa dhamaantood,mana jirto ama dalka Somaliland kama dhacdo in cidi ay isku raacdo in ay cid kale xuquuqdooda duudsido ama xadgudub ku talo gal ah ku samayso taana waxaa ina faraysa Diinteen Islaamka oo Muslimku xuquuqda aadamaha isaga ayaa ilaaliya oo laga bartaa loogana marti yahay.” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Imika intiina munaasibaddan joogta ee xafladda ka soo qayb gashay waxaan filayaa in aanu idinku jirin qof u diyaar ah in uu qof kale ku xadgudbaa laakiin way dhacdaa oo aadami ayaynu nahay oo waxbaynu ilawnaa laakiin waxaa loo baahan yahay marka ay wax dhacaan ee qof qof kale ku xadgudbo in la helo garsoor caddaalad ah oo loogu garsooro laguna kala saaro oo kii xuquuqdiisa lagu gefayna tiisa u soo celiya kan wax sameeyayna iyadoo tiisa la ilaalinayo sharcigana la mariyo.”

Wasiirka Caddaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadarre oo beesha caalamka la hadlayay ayaa ku eedeeyay Hay’addaha Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamkuba in ay dambi ka galeen Somaliland isla markaana ay xaqooda duudsiyeen.Hay’addaha yidhaahda Xuquuq Aadami ayaanu dhawraa waxaanu leenahay dambi ayaan ka gasheen qaranka Somaliland iyo dadkiisa waxaanad ku xadgudubteen Aqoonsiga ay xaqa u leeyihiin dadka reer Somalilandee aayahooda ka tashaday ee qaranimadooda la soo noqday ee dawladnimadooda dhistay in ay helaan aqoonsi caalamiya.waxaan idin leenahay hadday dhab idinka tahay dhawrista Xuquuqal Insaanku waa inaad maanta ka bilawdaan doonista iyo ka hadalka aqoonsiga dalka Somaliland caalamka ka mudan yahay ee uu xaqa u leeyahay farriintaa waanu idin faraynaa waana ta aanu idinku eegayno in aad ka run sheegaysaan dhawrista xuquuqda iyo in kale.”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here