Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqdal Insaanka Qaranka Oo Farriin U Diray Hay’addaha Sharci Dejinta

0
301

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Farxiya Xaaji Xuseen Jaahuur,ayaa Hya’addaha Sharci Dejinta iyo Xukuumadda ka codsatay dhamaystirka xeerar muhiim u ah dhawrista Xuquuqda Aadamaha waxaanay intaa ku dartay Guddoomiye Farxiya in ay lagama maarmaan tahay in la helo shuruuc dhamaystiran oo lagu dabaqo dhawrista Xuquuqal insaanka.

Waxaa kale oo ay Guddoomiye Farxiya sheegtay in Somaliland ay si wanaagsan u ilaaliso xuquuqdan Aadamah isla markaana ay komishan ahaan diyaar u yihiin in ay mar kasta ka hawl galaan dhawrista Xuquuqda aadamaha.

xuquuqilaaliso

Guddoomiye Farxiya oo ka hadlaysay munaasibad balaadhan oo loo qabtay maalinta dhawrista Xuquuqda Aadamaha oo Somaliland laga xusay,ayay kaga hadashay xeerar u baahan in la dhamaystiro oo qaarkood muddo badan hor yaaleen golayaasha sharci dejinta.

Guddoomiye Farxiya,ayaa 15 qodob oo muhiimad wayn u leh dhawrista Xuquuqda aadamaha waxaanay kala ahaayeen qodobada ay laamaha dawladda ka dalbatay dhamaystirkoodu sidan.

  1. Waxaanu golaha Xukuumada iyo golaha wakiilada u soo jeedinaynaa in ay sameeyaan xeerka ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta Somaliland sida ku cad qodobka 25aad fiqradiisa 3aad.
  2. in xeer xakameeya laga soo saaro Gudniinka hablaha.

  1. In golayaasha sharci daajintu dedejiyaan ansaxinta xeerka kufsiga.

  1. Waxaanu u soo jeedinaynaa Wasaarada cadaalada iyo Ciidanka Asluubta in kor loo qaado horumarinta xabsiyada iyo daryeelka maxbuuska.

  1. Daneeyayaasha Xuquuqda Aadamaha waxaanu usoo jeedinaynaa in la iska kaashado ilaalinta iyo dhawrista Xuquuqda Aadamaha.

  1. Wuxuu komishanku soo jeedinayaa in qabyo qoraalka, waxka bedelka iyo kaabista xeerka saxaafada xeer No.27.2004 oo hada golaha wakiilada horyaal, sida ugu dhakhsaha badan loo ansixiyo si loo helo qaab dhismeed dimuqraadiya oo lagu maamulo saxafada Somaliland.

  1. Waxaanu u soo jeedinayaa wasaarada waxbarashada iyo jaamacadaha in dalka laga abuuro kuliyadda saxaafada.

  1. In la abuuro xeerka xuquuqda caruurta.

  1. In la dhaqan galiyo xeerka caruurta khilaafta sharciga ilmakasta oo khilaafa sharcigana uu helo maxkamad u gaar ah iyo xarun u gaara si loo helo xuquuqdooda.

  1. In laga soo saaro xeer ilaalinaya daryeelka dadka dhimirka ka xanuunsanaya si loo ilaaliyo danahooda.

  1. Waxaanu ugu baaqaynaa wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada, wasaarada cafimaadka iyo wasaarada diint iyo afqaafta in ay hubiyaan gobaha cilaajyada oo qaarkood ka dhaco xadubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

  1. Waxaanu ugu baaqayna golayaasha sharci dajinta qoondadii haweenka in la meel mariyo

  1. Dadka laga tirada badan yahay ay heelan qoondo u gaar ah.

  1. In wasaarada waxbarashadu ku darsato qorshaha in la helo waxbarashadii indhoolayaasha iyo qalabkii ay wax ku baranayeen.

  1. Bulsho weynta Somaliland waxaanu usoo jeedinaynaa in ay ilaaliyaan shuruucda dalka si loo helo bulsho ka fayow qabyaalada iyo tacadiyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here