Daacish Oo Al-Shabaab Ku Eedaysay Dilka Jihaadayaal Maraykanku Raadinayay

0
295

W/wararka (Xogsoormedia.com):- Kooxda dagaalyahanka ah ee la baxday Dawladda Islaamka ee ka dagaalanka dalalka Suuriya,Ciraaq iyo Liibiya,ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab eeka dagaalanta Soomaaliya in ay dileen saraakiil jihaadayaal ah ooh ore Maraynaku dil ugu Xukumay isla markaana uu muddo badan raadinayay.

Kooxda Daacish ama ISIS ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab oo ay dhanka fikirka isku hayaan ee ka dagaalanta Soomaaliya in ay toogasho badheedh ah ku dishay saraakiil sare sare oo ka spp hor jeestay fikirka ay kooxda Al-Shabaab aaminsan tahay ee ah in Al-Shabaab ka sii mid ahaato Shabakada Al-Qaaciida.

daacish3

ISIS ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in hoggaamiyeyaasha ay dileen Al-Shabaab uu ka mid yahay dagaalyahan u dhashay dalka Sudan oo hore ay xukuumadda Khartoum ugu xukuntay dil toogasho, kaddib markii lagu eedeeyay inuu gudaha dalka Sudan ku dilay dublamaasi Mareykan ah iyo darwalkiisii.

Warbixinta ISIS ay soo dhigtay maanta baro taageera ayaa lagu xusay in ninka u dhashay Suudaan ee ay dishay Al-shabaab lagu magacaabi jiray Mohamed Makawi oo Khartoum ku dilay 01-dii Jenawari sannadkii 2008-dii dublamaasi u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabi jiray John Ganville iyo darwalkiisii.

“Al-shabaab waxay toogasho badheedh ah ku dileen tiro ka mid ah jihaadeyaal Ajaanib ah oo ka barbar-dagaalamayay, kaddib markii ay soo jeediyeen in lagu biiro ISIS,” ayaa lagu yidhi warbixinta kooxda Daacish.

Sidoo kale, Mohammed Makawi iyo Abdelbasit Haj Hamad ayaa waxay ka mid ahaayeen afar ruux xukuumadda Sudan ay xukun dil ah ku riday, inkastoo ay xabsiga kas baxsadeen sannadkii 2010-kii.

Xukuumadda Mareykanka ayaa waxay labadan hoggaamiye oo Al-shabaab ku biiray ay madaxooda dul-saartay 10-milyan oo doollar si loo helo warbixinno ku saabsan oo suuragal ka dhigi kara in la soo qabto.

Kooxda Daacish,ayaa hore ugu soo jeedisay in ay ku soo biirto Al-Shabaab isla markaana ay hoos tagaan wax ay ugu yeedhay dawladda Islaamka laakiin hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab,ayaa diiday soo jeedinta Kooxda Daacish isla markaana ku adkaystay in ay ka midyihiin oo ay ka tirsan yihiin shabakada Al-Qaaciida.

Waa markii ugu horraysay ee kooxda Daacish ay ku eedayso kooxda iska diiday ku biiristooda ee Al-Shabaab in ay toogasho ku fulisay saraakiil sar sare oo Maraynaku lacag ku raadinayo isla markaana ka tirsanaa Al-Shabaabta aan Soomaalida ahayn.

Kooxda Al-Shabaab,ayaan wali wax jawaab ah ka bixinin eedaha ay ku sheegtay kooxda ISIS.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here