Xarunta Xuquuqal Insaanka COMPAD Oo  Soo Bandhigay Warbixino La Xidhiidha  Xuquuqal Insaanka iyo Tacaddiyo Ka Dhaca Somaliland

0
316

Hargeysa(Xosgoormedia.com) -Xuska maalinta caalamiga ah ee xuquuqal Insaanka aduunka oo si weyn maanta loogga xusay magaalada Hargeysa isla mar ahaantaana sannadkan hal-ku-dhig loogga dhigay “Xuquuqdeenna iyo Xorriyaadkeenna Mar kasta.”, ayaa war-bixin ballaadhan oo ay soo saartay hay’adda xuquuqal Insaanka COMPAD, lagaga dayriyey xaaladda guud ahaaneed ee xuquuqal Insaanka iyo sida oo kale xoriyatul Qowlka Somaliland, iyada oo war-bixintan lagu soo bandhigay nin odey ah o sifo aan la garanayn magaalada Hargeysa ugu xidhan nin Soodaani ah oo inankiisa ay lacag kala qaateen iyo xarumo hay’ado warbaahineed ah oo iyaguna u xidhan xukuumadda Somaliland iyo weliba sida oo kale wariyeyaal dhowr ah  oo iyagana sifo sharci darro ah loo xidh xidhay halka kuwo kalena loo geystay jidh dil iyo handidaadba sannadkii ugu dambeeyey.

War-bixintan oo lagu soo bandhigay munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa, sida oo kalena ay maal-gelinaysay xafiiska qaramada Midoobay ee UNSOM uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha xaruntaasi, mas’uuliyiin ka kala socotay xisbiyadda qaranka, siyaasiyiin, wax-garad, aqoonyahan, saxafiyiin, haween, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Guddoomiyaha hay’adda xuquuqal Insaanka COMPAD Md. Axmed Xuseen( Axmed Xuquuq) oo  halkaas ka hadlay, ayaa ugu horeyn akhriyey baaq/fariimeed uu soo saaray ergayga ugu sareeya Qaramada Middoobay ee u qaabilsan arrimaha xuquuqal Insaanka Md.Siiid Al-Xuseyni, waxaana uu sheegay in hal-ku-dhegga sannadkani uu yahay in la dhowro xaqqa uu qof kasta leeyahay oo ah ayaa uu yidhi in uu fikirkiisa cabbiri karo  isaga oo aanay wax cabsi ahi ku jirin.

“Waxa aan idin la wadaagayaa baaqa uu soo diray ergayga ugu sarreeya Qaramada Midoobay ee arrimaha xuquuqal Insaanka Md.Siid Al-Xuseyni, kaasi oo looggu tallo-galay in qoomiyadaha aduunka lagula wadaago munaasibadan oo kale, baaqu waxa uu inna farayaa in la dhowro heshiisyaddii caalamiga ahaa, sida oo kalena aas aaska u ahaa xuquuqal Insaanka, waxaana hal-ku-dhigga sannadkan laga duullayaa uu yahay in aduunyaddu ay deristo ama ay dhowr xaqqa uu qof kasta leeyahay ee ah in uu cabbiri karo isaga oo aan wax cabsi ah ku jirin. Fariintu waxa kale oo ay daaran tahay. Haddaba waxa xusid mudan in xorriyaddu ay tahay aas aaska ama tiirka ay umaddi ka wada hadasho kana horumarto, sidaas darteed baaqa sannadkan ee bulshadu waxa uu inna farayaa in lagala qeyb-qaato, loona dhowri lahaa in qof kasta waxa uu xaq u leeyahay uu cabbiri karo.”.Ayuu yidhi Axmed Xuquuq

Md.Axmed Xuseen oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu soo bandhigay, tacadiyadda xuquuqal Insaaneed ee ka jira gudaha Somaliland, waxaana uu ydihi isaga oo faah faahin ka bixinaaya.“Somaliland, waxa aan idin xasuusinayaa maanta in ay jiraan dad xabsiyadda ku jira oo aan helin garsoor caddaalad ah, waxaana ka mid ah nin la yidhaahdo Cali Salaad oo reer Xiin-galool ah una xidhan inan uu dhalay oo nin Soodaani ah ay lacag kala qaateen, sida ay u kala qaateen iyo duruufaha ay u kala qaateenna ma garanayno, inanku waa Afartan jir, lagu eedaynaayo in uu lacagta qaatay, ninkaasi xabsiga Hargeysa ayuu ku jiraa, Cali Salaad waa nin Salaatu sax ah, xabsiga waxa loogga yaqaannaa nebigaa nuur leh, ninkaas duruuf adag ayaa haysata, waxa aanu la xidhiidhnay qoyskooddii, hadda waxa nala joogga xildhibbaankiisii, arrintaas iyada ah aad iyo aad ayaanu uga tiiraanyeysannahay, waana aanu ka xunnahay, waana aanu dhalliilaynaa, waxaana aanu leenahay dawladda Somaliland ninkaas waxba laguma haysto, inankiisii iyo isagu laba ayey kala yihiin, shareecadda Islaamka iyo ka dhaqanka ah ee innoo yaalaaba’, midna ku waajibin maayo in lagu cabudhiyo inan uu dhalay oo Afartan jir ah wax uu sameeyey in isaga loo xidho.”.

Guddoomiyaha hay’adda Xuquuqal Insaanka COMPAD Md.Axmed Xuquuq, waxa kale oo uu ugu damebyntii soo bandhigay tacaddiyada dhinaca Warbaahinta Somaliland, waxaana uu tilmaamay  Weriyeyaal jidh dil looggu gaystay gudaha Somaliland, halka kuwo kalena loo gaystay xadhig iyo handidaad iyo sida oo kale hay’addo warbaahineed oo iyaguna sifo sharci darro ah illaa hadda ugu xidhan xukuumadda Somaliland.

“Waxa kale oo aad la socotaan xagga Saxaafadda, sannadkan hal-ku-dheggu waa xoriyadda, waxa aad la socoteen, tacadiyadda ka dhacaayey Saxaafadda ee wadankeenna, kuwii ugu dambeeyey waxa aad la socoteen Yuusuf Cabdi Gaboobe in Joornaalkiisii Haatuf uu xidhan yahay, waxa aad la socoteen in maalin dhaweyd la xidhay Laba suxufi oo wargeys soo saaray iyaga oo xaq u leh, oo iyada oo aan wax dembi ah lagu helin xabsiga loo taxaabay.  Waxa aad la socoteen Axmed Sakaaro wixii Burco kaga dhacay isaga oo waajibaadkiisii gudanaaya oo inta lagu dilay Allaabtiisiina laga qaatay. Waxa aad la socotaan tacaddiyo badan oo ka dhan ah Suxufiyiinta Somaliland, ku waasi oo loo baahan yahay in laga gudbo.”.Ayuu yidhi Axmed Xuquuq

Ugu dambeyntiina, waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay mas’uuliyiin ka socday xisbiyada Qaranka Somaliland, siyaasiyiin, wax-garad, aqoonyahan iyo weliba saxafiyiin, ku waasi oo ku dheeraaday sida ay ula dhacsan yihiin warbixintan dheer ee ay soo bandhigay hay’adda COMPAD, waxa kale oo ay muujiyeen in ay aad uga xun yihiin in dalka ay jiraan dhibbaatooyinka intaas leeg, iyaga sida oo kalena xukuumadda ugu baaqay in joojiso cabudhinta xoriyatul qowlka iyo sida oo kale Warbaahinta Somaliland.

 

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here