Waxaanay shilalka gaadiidka ee ka dhaca magaalada Hargeysa u badan yihiin dad ay baabuurro ku jiidhaan jidadka caasimadda dhexdeeda iyo baabuur iyagoo laamiga maraya inta ay wadadda ka baxaan khasaare iyo burbur hantiyeed soo gaadhsiiya meheradaha iyo dhismeyaasha wadooyinka u dhaw.
Shilalkaasi waxaa ugu danbeeyay kuwo afar maalmood oo xidhiidh ah siyaabo kala duwan ay ugu jiidheen meello isku dhaw. Shilalkaasi oo ugu danbeeyay mid shalay subaxnimadii ka dhacay jidka ka yimaada dhinaca galbeed ee magaaladda Hargaysa ee hor-mara madaxtooyadda Somaliland.
Waxaana shilkaasi ku dhaawacmay afar qof, kadib markii uu jiidhay afartaasi nin oo fadhiyay meel jidka dhinaciisa ah oo ay kabadh Qaad ku iibinayeen gaar ahaana dhinaca woqooyi ee is-goyska baar-Hargeysa, ama ka soo horjeedka xaruntii hore ee wasaaradda duulista.
Hase yeeshee waxay shilkaasi ay dhaawacyo halis ahi ka soo gaadheen Cali Axmed Nuur oo ahaa mulkiilaha meheradaasi Qaadka iyo nin kale oo la sheegay in uu la shaqeeyo oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Akhtar.iyadoo labada nin loola cararay cusbitaalka guud ee Hargeysa halkaasi oo lagu daawaynayo.
Baabuurka shilkaasi sababay oo ahaa kuwa yar-yar ee loo yaqaano Tukhaanka ayaa sidoo kale waxa uu burburiyay meheradii ay labada nin ku ganacsanayeen iyo agabkii ay ku shaqaynayeen, waxaana la sheegay in shilkaasi shalay uu yahay kii afraad ee agagaarka is-goyska baar-Hargeysa ka dhaca afartii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo tiraba afar ruux ay siyaabo kala duwan baabuurro u jiidheen kuwaasi oo dhamaantoodba geeriyooday.
Nin magaciisa ku sheegay Faysal Saalax Ismaaciil, oo ka mid ahaa dadkii goobta uu shilku ka dhacay joogay, oo noo sheegay in uu isagu meesha ka cararay markii ay arkeen baabuurka ku soo jihaysan ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen. Waxaanu yidhi “Anigu dadkii meesha fadhiyay ayaan ka mid ahaa, nin ila fadhiyay ayaa ii heekaynayay, sidii uu sheekadda iigu watay ayuunbuu cararay. Wuxuu arkay gaadhiga Tukhaanka ah ee nagu soo jihaysan oo wadadii ka soo baydhay, oo xawaare ku soo socday. Kadib anna waan ka daba cararay.
Waxaanu intaasi ku daray “Dirawalku markuu Biriigga qabo yidhaahdaba leewarka ayuun buu sii qabtaa. Dabadeedna gaadhigii oo meeshii galay ayuun baan aragnay. Anigu waan khal-khalay oo kooma ayaan galay. Afarta ninba waan garanayay ee meesha fadhiyay, Jaamac ayaa mid la yidhaa, midna Cumar iyo Cali iyo Guuleed. waxaan filayaa inuu gaadhigu bilaa biriig noqday oo uu qaban kari waayay derawalku” Faysal Saalax Ismaaciil.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Xigasho: Dawan News.com