Madaxweynaha Tansaaniya Oo Kumaanaan Qof Kala Qayb Galay Maalinta Nadaafada Tansaaniya.

0
323

Tansaaniya (Xogsoormedia.com)— Madaxweynaha wadanka Tanzania John Magufuli maanta markii u horeysay intii uu xilka hayay ka qayb galay olole nadaafadeed, oo boqolaal kun oo rux ay ka fuylinayeen wadooyinka waa weyn ee caasimada, dalkaas ee Daarasalaam.Magafuli

Mr Magufuli ayaa xashiishka wadooyinkan laga ururinaayay isagu gacmihiisa kaga ururinaayay., waxaanu ugu baaqay dadkii halkaas isugu soo baxay ee xashiishkaa ururinaayay inay  ka qeyb qaataan nadaafada, si caafimaadka u wanaagsanaado.

Waxaau Madaxweyne Magufuli isaga oo arintaas ka hadlaya u hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Aan wada jir uga wada shaqeyno sidii dalkeena, magaalooyinka, guryaha iyo goobaha shaqada aanu u nadiifin laheyn, si caafimaadka iyo ammaanka u wanaagsanaado”Magafuli1

Dadka ayaa u arka tallaabadaas mid lagula dagaalamayo musuq maasuqa, waxaana dadweynaha reer Tanzania ay hadal hayaan tallaabooyinka Madaxweynaha iyo is bedelada uu la yimid, iyagoo isla dhex marayay in tani ay tahay Tanzania-yada cusub.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here