Hargeysa(Xogsoormedia.com) Siyaasiga caanka ah ee Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa beeniyey warar la isla dhex maraayo oo sheegaya in uu gudoomiye Ciro kula dhex tartami doono jagada musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani dhexdiisa .
Dr.Gaboose oo u waraamay wargeyska Geeska Africa waxaa uu sheegay in aanu habeena ku fikirin inuu gudoomiye ciro kula dhex tartamo xisbiga dhexdiisa Waxaana uu yidhi “ markii ay midoobeen xisbiga Waddani iyo ururkii Umadu khudbadii aan jeediyey waxaa aan ku sheegay in aanan marnaba kula tartameen walalkey Cabdiraxmaan Ciro xisbiga waddani dhexdiisa oo aanan xisbiga ku noqon doonin carqalad balse waxii aan tari karo aan taro” ayuu yidhi Gaboose .
Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Intaasi sii raaciyey “walina halkii baan taaganahay oo waxba iskama key badelin lagamana yaabo in aan walaalkey Cabdiraxmaan Ciro la tartamo aan xisbiga dhexdiisa kula dhex baratamo waxaa se iga go,an waxii aan tari karo in aan caawiyo “
Dr.Gaboose waxaa uu geeska Africa u sheegay in wararkaas la isla dhex maraayo aanay jirin meel uu ka yidhi iyo cid uu ka soo xigtey toona waxana uu yidhi “ sidaas daraadeed waxba kama jiraan waana warar aan jirin wararka sheegaya in aan Cabdiraxmaan Ciro kula dhex tartami doono musharax nimada xisbiga mana jirto cid iga soo xigatey aniga iyo meel aan ka yidhi toona .
Markaas sidaas baan umada iyo shacbiga Somalilandba u cadeynayaa mana ahi nin dabeecadaha noocaas ah yaqaanana “
Gabo gabadii Dr.Gaboose waxaa uu sheegay in uu ku mashquulay dhismaha cisbitaal uu ka hir galinaayo caasimada Hargeysa isagoo shacabka ka codsadey in loogu soo duceeyo in Alleh u fududeeyo dhisamaha cisbitaalkaas waxaana uu yidhi “ waxaan ku mashquulay in aan dhameystiro cisbitaal weyn oo aan dalka u dhisaayo oo waxtar u noqon doona bulshada waxaanan shacabka Somaliland aan ka codsanayaa in ay iigu soo duceyaan in alleh ii fududeeyo hawshaas “ ayuu Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ku soo gabo gabeeyey hadalkiisii
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland