Hargeysa(Xogsoormedia.com)Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Axmed Nuur oo maanta ka hadlaayay xaflad loo sameeyay qalinjabinta 46 hablood, oo ka qalin jabiyay Jaamacada Adna Aadan.
ayaa shaaca ka qaaday in dawladu dhawaan soo magacabayso 50 hablood oo noqon doona maamulayaasha iskuulada dawlada.
Wasiir Axmed Nuur isaga oo arintaas ka hadlaya waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Anigu Haweenka waan jecelahay, runtiina waxa aynu ognahay doorka ay ku leeyihiin dhismaha dalka iyo waliba qoysaska”
Wasiirku Axmed waxa uu sheegay in Adna Aadan iyo Marwada Madaxweynuhuba wax weyn qabteen waxaanu yidhi “Hadii aynu soo qaadano Marwo Edna Aadan oo iyadu dhidibada u taagtay jaamacadan iyo waliba marwada koowaad ee dalka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde wax badan ayay qabteen”
Wasiir Axmed Nuur Faahiye waxaa u shaaca ka qaaday in ila 50 Hablood ay ka dhigi doonaan maamulayaasha dugsiyada isaga oo arinkaas si faahfaahsan uga hadlaayana waxa uu yidhi “Anaga oo taas ka duulayna waxa aanu soo wadnaa in 50 maamule oo haween ah dhawaan la magacaabo, kuwaas oo aanu ognahay in ay wax badan ka qbaan doonaan, horumarka dhinaca waxbarashada, waxaanad ka war haysaan in ilmuhu hadii ay kaadi qabato qofka ugu horeeya ee fahmayaa in uu yahay hooyada oo odhanaysa kaadi baa haysa,markaas 50-kaas hablood ee maamulayaasha ah ayaanu soo wadna maalin dhaw”
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland