Boosaaso(Xogsoormedia.com) Alle haw naxariiste waxaa maanta la dilay taliyihii ciidamada garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.
Taliyaha ciidamada garoonka Magaalada Boosaaso, Xasan Shire Amaan dilkiisa waxa ka dambeeyay askari ka mid ah Ilaalada garoonka.
Waxaanay wararku sheegayaan in askarigan dilka gaystay uu rasaas, ogta kaga qaaday taliyaha.
islamar ahaantana uu taliyuhu u geeriyooday dhaawicii ka soo gaadhay rasaastii lagu furay.
waxaana durbadiiba meesha ka baxsaday askarigii dilka geystay, oo aan gacanta lagu dhigin,hase ahaate booliska ayaa ku daba jira sidii loo soo qabanlaha.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland