Hargaysa(Xogsoormedia.com)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cade ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc Solar System ah kaaso wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ay ka fulinayso wadada daba marta Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.
Iyada oo wasaaradu kaashanaysa dawlada hoose ee Hargeysa, oo ay gacanta ku hayso Hay’adda DAI
Waxaana hawshan dhagax dhiga ee maanta wasiirka arrimaha gudaha ku wehelinayay,maayirku xigeenka caasimada Hargeysa, Mudane Cabdicasiis Cagaweyne ,xughayaha fulinta ee dawlada hoose ee Hargeysa mauuliyiin sar sare oo ka socday Hay’adan mashruucan fulinaysay ee DAI , wasiir ku xigeenka maamulka iyo degmooyinka dawladaha hoosee ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland,iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamad Warancade oo halkaasi hadalka jeediyay ayaa sheegay in wasaaarada arrimaha guduhu mashruucan ugu deeqday bilicda caasimada iyada oo wasaaradu mashruucan fulintiisa siisay Hay’adda DAI.
Intaas ka dib markii la dhameystiray dhagax dhigii mashruucan waxaa uu wasiirku kormeer ku soo maray goobo ay dawlada hoose saaka olole nadaafadeed ay ka waday.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland