Wariye Hinda Xaaji Maxamuud Oo Ka Mid Aheyd Warbaahinta Dawlada Soomaaliya Ayaa U Dhimatay Qarax Miino Oo Lagu Xidhay Gaadhi Ay La Socotay.

0
354

Muqdisho(Xogsoormedia.com) Wariye Hinda Xaaji Maxamuud oo aheyd wariye ka hawlgasha warbaahinta dawlada Soomaaliya  ayaa maanta u dhimatay qarax miino oo lagu xidhay gaadhi ay la socotay.

waxaanay gabadhan wariyaha ahi ugeeriyootay dhaawac culus oo ka soo gaadhay, qarax lala beegsaday gaari ay la socotay maanta duhurkii.

Waxaanay wariye Hinda Xaaji Maxamuud ku geeriyootay Cisbitaalka Madiina, ee magaalada Muqdisho,halkaaso loola cararay dhaawaceeda markii uu qaraxu haleelay.

Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdirixiin Ciise Cadaw oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay Hindi u geeriyootay dhaawacii ka soo gaaray qaraxii lala beegsaday gaadhigii ay la socdeen.

waxaana la sheegay in markii qarax lala eegtay ay ka soo baxday mid ka mida jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay wax ka baranaysay,waxaanu  qaraxani ku haleelay isgoyska KM-4 .

Sanadkii 2012 ayaa ninkeeda Liibaan Cali Nuur ayaa waxaa uu ku dhintay Makhaayad ku taalaa xaafada The Village ,waxaanu wakhtigaa la socday wariyayaal kale oo iyaguna halkaasi ka shaahaynaayay C/sataar Dahir Sabriye oo labadaba ka wada shaqeynayeen Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ee SNTV.

Hinda Xaaji ayaa noqonaysa gabadhii ugu horeysay ee wariya ah ee qarax ku dhimata ilaa sanadkii 2007 iyada oo qaraxyada lala beegsanayay wariyayaashu ay badnaayeen.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here