Halkan Ka Daawo: Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay Inay Idaacada VOA-du Ay Ka Baxday Hishiisyadii Ay Lagaleen.

0
341

 

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Cabdilaahi Maxamad Daahir Cukuse  oo ka hadlayinay hishiiskii ay wada galeen Idaacada VOA-da ayaa sheegay inay ka baxday oo ay jabisay hishiiskii ay xukuumada la gashay gabi ahaanba.waxaanu wasiirku hadalkan sheegay mar uu maanta la hadlaayay warbaahinta dawlada.

Cabdilaahi Maxamad Daahir Cukuse wasiirka warfaafinta iyo wacyigalintu isaga oo arrintaas ka hadlayana waxaa uu yidhi  “idaacadaha waa weyn ee dunida Jamhuuriyada, Somaliland ama wasaaradu warfaafintu laba idaacadood oo waa weyn oo wararka soo daaya ayay hishiisyo kula jirta, Idaacada BBC-da iyo Idaacada VOA , Idaacadan VOA waa markii labaad oo aynu isqabano, Idaacada BBC-da ma dhacno in inta badan aanu isqabano, sababtuna waxaa weeye anaguna waxaanu aad u ixtiraamna hishiiska qoraalka ah,ee ay labada dhinac wada galaan”

Cabdilaahi Maxamad Daahir waxa uu tilmaamay inay Idaacada VOA-du ay ka baxday hishiiskii ay wada galeen isaga oo arinkaas ka hadlaayana waxaa uu yidhi “Idaacada VOA-da waxaa aanu ku jira hishiis ah inay laba xili ay hawada soo galaan, oo labada xilina barnaamijyada iyagu leeyihiin ay baxaan,anaguna wixii aanu adeeg halkan gacanta ugu hayno iyo ogolaansha inay ka hawlgali karaan dalkayaga in aanu u fududayno, way badaleen hishiiskiibay ka baxeen, saacado aan kuwii aheyn ayay damceen inay ku daraan oo subax leh oo duhur leh, anagu Idaacadaha saacadaha dheeraadka ah waxaanu leenahay hishiiska waa ay ka baxsan tahay ixtiraamna maaha in dawlad intaad hishiis aad la gasho inaad iska wadata uun taada”

Wasiir Cukuse isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas raaciyay inay diyaar u yihin markale inay wada hadal la furan Idaacada VOA-da waxaanu yidhi “Markalana waxaanu leenahay anagu wali hishiiskii ayaanu ixtiraamaynaa labadii xili ee aanu hishiiska ku aheyna diyaar ayaanu u nahay, wixii intaas ka badana in laga wada hadlo diyaar ayaanu u nahay, saacadaha Idaacada Raadiyow Hargeysa macquul maha inaanu idaacado, kale siino”

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here