Gaalkacayo(Xogsoormedia.com) — Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta qalinka kuwada duugay hishiis nabadeed, oo lagu soo afmeeraayo colaada mudooyinkii yu danbeysay ka taagnayd Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Waxaanu hishiiskani ka dhacay kulan ay maanta labada Madaxweyne ku yeesheen garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo, ee Cabdilaahi Yuusuf.
Waxaana kulankani goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo isagu hogaaminaayay hishiis nabadeedkan maanta la kala saxeexday, sidoo kale waxaa kulankan iyaguna qayb ka ahaa Madaxweynayaasha Jubbaland, Koofur Galbeed,gudi wasiiro ah, xildhibaano iyo xubno kale oo ka socday beesha caalamka.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa isku gacan qaaday shirkani intii uu socday, iyagoo saxeexay nuqulada heshiiska nabadeed ee ay labada dhinac wada gaaleen, isla markaana warqadaha is dhaafsaday.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynaayo hishiiskani, ay labada maamul wada galeen, isla mar aahaantana uu yahay mid taariikhda baaldahaba ka gali doona, oo horseedaya nabad iyo xasilooni, waxaanu xusay inuu ka shaqayn doono sidii ciidamada look ala qaadilaaha.
Madaxda Puntland iyo Galmudug oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dhaqan galinayaan hishiisyadan maanta la kala saxeexday, waxaanay si mugleh uga dareen celiyeen dadaalada ay waday dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa halkaasi ka akhriyay hishiiska nabadeed ee uu gadhwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.
Heshiiskan oo ahaa mid ka kooban Afar qodob oo kala
1 Baaq Nabadeed oo Waara Iyo Xabad Joojin
2 Ciidamada oo la kala qaado iyada oo dhinac kastana lagu celiyo meeshiay hore u joogeen,colaada ka hor
3-Soocelinta dadweynaha barakacay.
4 Magacaabista gudi wada xaajood oo isugu jirta dawlada Federaalka ah iyo labada dhinac ee colaadu u dhaxaysay.
Waxaana uu ahaa hishiiskani mid xasilooni ku soo dhamaaday,.
Halkan hoose ka Akhriso Heshiiska Nabadeed ee Gaalkacyo:-
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland