Ceerigaabo(Xogsoormedia.com) Laba wariye ayaa ku dhaawacmay shilgaadhi oo saaka barqadii ka dhacay duleedka magaalada Ceerigaabo.
Labadan wariye oo kala ahaa Maxamuud Maxamad Xasan Saraaf oo Tv-ga qaranka Somaliland Wakiil uga ahaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag Iyo Cali Aadan Daahir oo Tv-ga Horn Cable isaguna wakiil uga ahaa.
Labadan wariye ayaa uu gaadhigii ay wateen kula qalibmay wadada isku xidha Sanaag iyo Togdheer ee Ceel-Nimcoon, ee bartamaha Ceel-Afweyn Iyo Gar-Adag.
By: Wariye Cabdiraxmaan Maxamad Xidig