Weftigii Wasiir Warancadde Oo Faro Madhan Kala Soo Noqday Ceerigaabo iyo Sarkaalkii Loo Diray Oo Buurta Ku Jira

0
451

Ceerigaabo(Xogsoormedia.com) Iyadoo Mudo laba todobaad iyo dheeraad ah ay kasoo wareegtay xiligii wasiirka wasaarada arimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade uu soo gaadhey Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa shacabka gobolka sanaag isweydiinayaan halka ay ku biya shubatay iyo waxyaabaha uu ka qabtay dhibaatadii dhanka nabadgaliyada ee gobolka Sanaag.

Dhawaanbaanay aheyd markii ciidanka Booliska ee magaaalada Ceerigaabo ay isku dayeen inay gacanta ku soo dhigaan Axmed Cadib oo ah sarkaal ciidanka booliska ah oo isagu hub kala soo dega xeebaha gobolka Sanaag, laakiin lagu guuldareystay in gacanta lagu soo dhigo.

warancade6688

 

Halkaasina ay ka dhaceen rabshado lagu diidan yahay soo qabashada ninkan, rabshadahaas oo dhaawac iyo dhimashaba keenay.

Waxaanay taasi keentay in sarkaalkan iyo ciidan kale oo taageerayayba u gudbaan dhinaca buuralayda magaalada ceerigaabo Ilaa hada ma jirto wax la taaban karo oo wasiirku ka qabtay hawlihii loo soo igmaday ee ahaa xalinta iyo soo xera galinta ninkaas askariga ah.

Dhanka kale waxaa mudo yar dabadeed lagu warhelay in wasiirka iyo wafftigii uu hogaaminaayayba ay  goor aan habeena aheyn maalina aheyn ay ka soo anbabaxaan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Wasiir Cali Maxamad Warancade waa uu ku guuldareystay inuu wax ka qabto, arinkii dhimashada iyo dhaawacaba keenay, halka wasiirkii isaga ka horeeyey ee Maxamed Nuur Caraale Duur oo uu ku guulaystay inuu wax ka qabto  , xiisad colaadeed oo meel xun gaadhay dhexmartay  laba beelood oo oodwadaaga oo ,wada dega gobolka sanaag.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Wariye : Cabdiraxmaan Maxamad Xidig

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here