Gaalkacayo (Xogsoormedia.com) Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaa socdaalkan uu ku yimid magaalada Gaalkacayo ku wehelinaayay Madaxweynaha Jubba-Land Axmed Maxamad Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Jubba-Land Gn: Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, xubno ka mida golahiisa wasiirada xildhibaano.
Waxaana soo dhaweyntii waftigan qayb weyn ka qaatay maamulka degmada iyo kan gobolka ee magaalda Gaalkacayo,laamaha masuuliyiinta dawlada, cuqaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacayo, saraakiisha ciidamada iyo dadweyne aad u tiro badan.
Waftigan uu hogaaminaayay Madaxweynaha Puntland ayaa intii aanay soo gaadhin magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, waxaa ay ku yara hakadeen Degmada Xarfo, oo labada Madaxweyne ay kula hadleen kumaanan dadweyne ah oo ka qayb qaadanayaya soo dhaweynta waftigan.
Ujeedada safarka Madaxweynahan ayaa aheyd sidii xal waara looga gaadhilaha dagaalada dhawaanahan ka dhacaayay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, una dhaxeeyay ciidamada maamul-goboleedka Puntland iyo kuwa maamulka Cadaado.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland