Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Askari ka tirsan ciidanka nabad gelyada Waddooyinka oo lagu magacaabo Caydiid Maxamed Cabdi,ayuu saaka dhaawac culusi ka soo gaadhay ka dib markii uu jiiday gaadhi Tagsi ah oo ah nooca loo yaqaan Tukhaan.
Galinkii hore ee Isniinta maanta ayuu nin Taraafik ah Gaadhi Vitz ah ama bulshadu u taqaan DUKHAAN-ka ahi ku jiidhay Badhtamaha Suuqa Hoose ee Hargeysa. ninkan la Jiidhay ayaa uu Madaxu kala dilaacay Waxaana Loola Cararay Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa.
“Ninka Taraafik-ga ahi wuxuu Jooji is yidhi Gaadhiga yar oo Meel Cidhiidhi ah marayey ka dib wuu joogsan waayey, taraafik-ga oo gaadhi dhinaciisa dhirbaaxo ku dhufanaya ayuu kii taxiga Watay ku yidhi Joojin maayo oo waliba waan ku jiidhsiini, markiiba intuu hore u orday ayuu soo kala jeestay oo wuu ku dhuftay ninkii Taraafik-ga ahaa oo Duulaya ayaa ku dhacay Albaabka Bas meesha taagnaa waxaana kala dilaacay Madaxa markuu dib dhulka ugu soo dhacayna wuu sii jiitay, ka dibna Baxso isagoo isle ayuu Bas wayni ku hor qabtay.” sidaa waxa warbaahinta u sheegay Goobjooge ku sugnaa Goobta lagu jiidhay Ninka Taraafik-ga ah .
Goobta shilkani ka dhacay oo aan waxbadan ka fogayn saldhiga Dhexe ee Hargeysa ayaa waxa markiiba soo gaadhay Ciidanka Booliska oo Xabsiga u taxaabay Gaadhigii Yaraa iyo ninkii Watay oo u muuqday Nin Dhalinyaro ah.
Dhinaca kale Nin kii Taraafik-ga ahaa ayaa markiiba loola soo Cararay Dhinaca Dhakhtarka Wayn iyadoo la dhigay Qolka Qaliinka Deg Deg Dega ah si loo Furdaamiyo Xaaladiisa oo aad u liidatay.
Taliyaha ciidanka nabad gelyada Waddooyinka Faysal Xiis oo aanu wax ka waydiinay xaaladda askariga la jiidhay ayaa sheegay in saaka qaliin lagu sameeyay isla markaana uu cisbitaalka guud ee Hargeys lagy dawaynayo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland