Gudoomiye Ku Xigeenka Guurtida Oo Sheegay Inay Soo Saarayaan Liiska Xildhibaanadii Maqnaa Kalfadhiyadii U Danbeeyay

0
512

Hargeysa (Xogsoormedia.com) Waxaa sitoosa u furay Kalfadhigii 58-naad ee golaha Guurtida Somaliland, oo uu shirgudoominaayay gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtida Somaliland Mudane, Siciid Jaamac Cali.

Waxaanu sheegay gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha Guurtida Somaliland oo furitaankii kalfadhigaasi hadalka jeediyay inay soo saaridoonaan liiska saxda ah ee  xildhibaanada fadhiyadii ugu danbeeyay ee sanadkan ka maqnaa,iyaga oo u soo bandhigii doona dadweynaha iyo warbaahintaba.

 

Mudane, Siciid Jaamac Cali gudoomiye xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Somaliland isaga oo arrimahaas ka hadlaayana waxaa uu yidhi  “waxa si rasmi ah innoogu furmay, kal-fadhigii 58-aad ee Golaha Guurtida, kal-fadhi cusub baa innoo bilaabmay sannadkuna waa dhammaad, mudaneyaasha waxaan u sheegayaa in la sheegi doono xildhibaanadii habsaamay sanadkan   sii dhamaanaya,  rag odayaal ah baynu nahaye waa in aynu soo dedaalnaa oo aynaan shaqada qaranka ka maqnaanin,ajandihii berri (Maanta) ayaa la qaybinayaa,”

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo isaguna ka mida mudanayaasha aqalka Golaha Guurtida Somaliland oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay nimanka odayaasha ahi ku dedaalaan ilaalinta iyo adkaynta nabad-gelyada, isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mandaqadan aynu ku nool nahay waxa ka jira dhibaatooyin badan oo xagga ammaanka ah,markaa waxa loo baahan yahay in arrimahaas, isha lagu hayo oo lagu dedaalo ilaalinta ammaanka iyo xasiloonida dalkeennu ku caano maalay”

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray oo uu yidhi  “waxa noo furmay ajandihii kal-fadhigii 58aad, kal-fadhi kasta oo Guurtidu yeelato waxa muhiimada koowaad leh arrimaha ammaanka, sidaa darteed, bulshada reer Somaliland waxaanu ku adkaynaynaa in ay ammaankooda ilaashadaaan.”

Furitaanka kal-fadhiga 58aad ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ka soo xaadiray badi mudanayaasha aqalka Golaha Guurtida Somaliland ,iyada oo inta ka maqana la sugaayo inay maalmaha soo socda ay soo wada xaadiraan.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here