Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamaxuud Cabdi Jaamac (Xuuto),ayaa ka hadlay sida uu u arko xadhiga laba Wariye oo maanta Xeer Ilaalinta Gobolka Hargeysa Xidhay.
Guddoomiyaha SOLJA.
Rashiid Nuur Wacays iyo saxafi Siciid Khadar Cabdillaahi oo labaduba ka wada tirsan Bulsho TV isla markaana ka wada Hawl gala Wargeyska Hubsad oo maalmo kooban ka soo baxay Magaalada Hargeysa.
Guddoomiye Xuuto,ayaa sheegay in Laamaha Xukuumadda u qaabilsan Warbaahintu in ay caqabad ku yihiin in la samaysto Hay,ado Warbaahineed oo dalka ka hawl gala.
Labada wariye ee la xidhay
.
Waxaanu sidaa ku sheegay Guddoomiye Maxamuud Cabdi Jaamac Waraysi gaar ah oo uu siiyay shabakada Wararka ee Xogsoormedia.com
Ugu horrayn Guddoomiyaha oo aanu waydiinay sababta loo xidhay labada wariye iyo waxa uu ka ogyahay,ayaa ku jawaabay.
“Horta marka hore waxaa loo xidhay labada wariye waa arrinta Wargeyska laakiin balan ayaa noo taalay Xeer ilaalinta wada hadalna wuu noo socday in ay naga war sugaanna way ahayd laakiin labada Wariye maanta iyaga ayaa hanjabay(Wariyeyaasha Rashiid iyo Siciid)oo yidhi waanu soo saaraynaa wargeyska.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.
Waxaa kale oo uu Guddoomiye Maxamuud Cabdi Jaamac ka hadlay dhibaato ka taagan dhanka Xukuumadda oo ah sidii loo furan lahaa hay’ad warbaahineed,taasoo uu sheegay in ay caqabad ku yihiin hay,addaha Xukuumadda u qaabilsan Hay’adaha Warbaahinta.
“Waxaa caqabad ku noqday Bulshada Somaliland in ay furtaan hay’ad warbaahineed iyadoo Dastuurka Somaliland uu dammaanad qaadayo in la furan karo goob warbaahineed. Taasina waxay keenttay in cid kasta oo danaynaysa in ay warbaahin furataa in ay ku kalifto in ay Wargeysyadii hore ee dalka ka jiray in ay iibsadaan ama dad ay qaraabo yihiin ay siiyaan sharciyadda Wargaysyo hore,taasina waxay u baahan tahay in sharciyadda la waafajiyo oo loo sameeyo kala wareejin isla markaana Xeer ilaalinta la dhigo magaca mulkiyadda lagu wareejiyay, laakiin labada Wariye ee imika xidhani iyagoo aan dariiqaa dhamaystirin aya Wargeyska soo saareen ka dinbna Xeer Ilaalinta waanu wada tagnay oo waxaanu ku balan sanayn in ay afrinta soo dhamaystaan Xeer ilaalintuna ay wargaeyska u sii dayso.”
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Waxay ahayd in Xeer Ilaalinta iyo Wasaaradda Warfaafintu in ay qorshe cad ka yeeshaan samaysashada Hay’ad Warbaahineed oo ay bulshada u suurta gasho in ay samaysan karaan goobo Warbaahineed oo sharciyadda dalka waafaqsan
Laakiin waxaad moodaa in Hay’addaha Xukuumada Uga Masuulka Ahi ay caqabad ku yihiinb diiwaan galinta hay’addo warbaahineed oo ay bulshadd samaysato.”ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA oo u warramayay Tifatiraha guud ee shabakada Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland