Wefti Wasiiro Reer   Somaliland Ah Oo Dalka Kenya Caasimada Nayroobi Ku Tagay  Tagay Socdaal Ay Qaramada Midoobay Soo Agaasintay + Sidoo Kalana Ka Hadlay Mawqifkooda Ku Aadan Dagaalka Ka Socda Gaalkacayo.

0
411

Hargeysa(Xogsoormedia.com)  Xukumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay mawqifkeeda ku aadan  dagaalladka  dhawaanahan ka dhacayay magaalada Gaalkacayo, ee u dhexeeya maamulada Somalia ee Puntland iyo Galmudug, waxaanay ugu baaqday inay ilaaliyaan xasiloonida mandaqada wada hadalna lagu dhammeeyo khilaafka jira.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somaliland jeceshahay in mandaqada bariga Africa lagu wada noolaado nabad. Waxa uu sheegay in dawladda Somaliland danaynayso in wada hadal lagu dhammeeyo arrimaha u dhexeeya maamulada Somalia.

Wasiirka arrimaha dibadda oo ay weheliyaan guddoomiyaha maxakamadda sare Aadan Xaaji Cali, wasiirka qorshaynta Cali Shoombe iyo wasiirka caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa u ambabaxay Nairobi, halkaasi oo ay sheegeen inay ku leeyihiin balamo ay agaasintay qaramada midoobay.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here