Garowe(Xogsoormedia.com)-Waxaa maanta xabsi ku yaala Magaalada Garoowe laga sii warieyeJaamac Yuusuf Jaamac Deperaani Oo ilaa mudo 10 cisho ah ku xidhnaa halkaasi
Waxaana sidaynta wariyahan dadaal xoogan ka galay Ururka Saxafiyiinta Puntland Ee MAP, Iyo Ururada Kale ee ka shaqeeya xuquuqda aadamaha.
Warqada ka soo Baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal ayaa lagu amray in si deg deg ah jeelka looga sii daayo Wariye Jaamac Deperaani.
Waxaanay Warqadu U Qoreyd Sidan:
Tixraaca warqada oo sumadeedu aheyd XI/GN/398/2015, Waxaana La qoray 29-11-2015, iyadoona sidoo kale lagu xusay in warqadaan ay ka soo baxday xafiiska Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal, Waxaana lagu sheegay sidoo kale in Si deg deg ah Xabsiga Looga sii daayo Wariye Jaamac Deperaani Oo U Shaqeeya Tv-ga Somali Chennal.
Waxaa Ku saxiixnaa Warqada sii deynta wariyaha, Gudoomiyaha Maxkamadda D. 1-aad ee G/nugaal Garowe,
Wariye Jaamac deperaani oo Hadda Xabsiga laga sii daayay Ayaa muddo 10-bari ah ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee ku yaala magaaladda Garowe, iyadoo aan Ilaa hadda wax maxkamad ah la soo taagin,
Dhanka kale wasaaradda xidhay wariye Jaamac ee wasaarada warfaafinta ayaa Sheegtay inuu u xidhnaa danbi uu ka galay dadka iyo dalkaba
Mana aha wax cusub in wariye la iska xidho , Lana soo daayo isagoon wax cadaalad ah la horkeenin, iyadoo arintaasina ay horay u dhaceeyeen Saxaafadda madaxabanaan.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland